Hordhaca: Swansea City vs. Chelsea – Blues Oo Rajo Ka Leh Booska Afaraad Ee Premier League

0
Saturday April 28, 2018 - 19:53:53 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Swansea City vs. Chelsea – Blues Oo Rajo Ka Leh Booska Afaraad Ee Premier League

    Swansea City ayaa kusoo dhaweyneysa Chelsea garoonka Liberty Stadium, iyadoo Carlos Carvalhal shirkadiisa jaraa'id ee ka horeeyay ciyaartan oo si kalsooni leh ugu sheegay inay baaqi kusii ahaan doonaan Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Swansea City ayaa kusoo dhaweyneysa Chelsea garoonka Liberty Stadium, iyadoo Carlos Carvalhal shirkadiisa jaraa'id ee ka horeeyay ciyaartan oo si kalsooni leh ugu sheegay inay baaqi kusii ahaan doonaan Premier League.

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa ku rajo weyn inuu u dagaalamo booska afaraad, waxaana uu haatan raadinayaa inuu cadaadis saaro kooxda kaalinta 4aad ee Tottenham Hotspur.


OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:Liberty Stadium 

SAACADA: 7:30 PM

MAXAA CUSUB?

Federico Fernandez oo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii Manchester City, ayaa la rajeynayaa inuu dib ugu soo laabto kulanka caawa ee Blues.

Carvalhal ayaa sidoo kale rajeynaya inuu dib ugu yeero Sam Clucas, laakiin Luciano Narsingh ayaa laga yaabaa inuu dhaawac ku seego kulankaan.

Tammy Abraham ma ciyaari karo sabab la xiriirta inuusan wajihi Karin kooxda iska leh ee Chelsea.

Angel Rangel ayaa sidoo kale dhaawac qaba, halka Renato Sanches, Wilfried Bony iyo Leroy Fer baaritaano waqti dambe ah loo dirayo.

Blues waxay dib u heli kartaa Antonio Rudiger iyo Andreas Christens , halka Marcos Alonso uu ganaax ku maqan yahay.

Giroud iyo Morata ayaa ku tartami doona booska weerarka, halka Eden Hazard iyo Willian garbaha weerarka ay ka ciyaari doonaan caawa.

David Luiz iyo Ethan Ampadu ayaa wali dhaawac waqti dheer ah kaga maqan kooxda Chelsea.

XAQIIQADA KULANKA

Lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee udhaxeyay labada kooxood ayaa dhamaantood ahaa ciyaaraha Premier League, Chelsea ayaa ku garaacday kooxda Swansea 1-0 ciyaar ka dhacday Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa hal dhibic kaliya ka heshay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen kooxda reer Wales.

Swansea hal mar ayay ka badisay Chelsea 13kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, iyagoo laga badiyay sideeda kale, halka barbaro ay galeen afar kulan kale.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Swansea City:Fabianski; Naughton, Hoorn, Mawson, Olsson; A. Ayew, King, Ki Sung-yueng, Carroll, Clucas; J. Ayew

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Cahill, Rudiger; Moses, Kante, Fabregas, Emerson; Hazard, Willian, Giroud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip