Siyaasadeynta howlaha Bani'aadminimo & Aragtida Xeerka caalamiga ah ee Bani'aadminida

0
Thursday April 26, 2018 - 21:30:28 in Wararka by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadeynta howlaha Bani'aadminimo & Aragtida Xeerka caalamiga ah ee Bani'aadminida

    Argomento Di Studio:Xiridda Isbitaalka Sh. Zayed ee Muqdisho & Joojinta howlihii Bani'aadminimo ee uu bixinayey! Qalin Horaad: Maqaalkani waxa uu ku saabsan yahay muranka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Argomento Di Studio:Xiridda Isbitaalka Sh. Zayed ee Muqdisho & Joojinta howlihii Bani'aadminimo ee uu bixinayey! Qalin Horaad: Maqaalkani waxa uu ku saabsan yahay muranka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo si xun u saameeyey howlaha Insaanimo ee dowladda Imaaraadku ka waday magaalada Muqidhso iyo magaalooyin kale oo Soomaaliyeed, Sababaha, Sooyaalka, Waxyaabaha xagga dambe ka riixaya, Aragtida labada dowladood.

Waxa uu xoogga saarayaa xiritaanka degdegga ah iyo joojinta kaalmada bani’aadminimo ee Isbitaalka Sheekh Zayed oo ay dhistay islamarkaana ay bixineysay dowladda Imaaraadka carabtu dhammaan dhaqaalaha ku baxayey socodsiintiisa.

Go’aanka xiritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed; ee Muqdisho waxa uu yimid kaddib muranka diblomaasiyaseed ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka carabta, taas oo ah Siyaasadeyn howl Bani’aadmino.



Sidaas awgeed iyada oo laga shidaalqaadanayo Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada maqaalku waxa uu ifinayaa gefka iyo carqaladeynta Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadminimada, taas oo ay xukuumadda imaaraadku ku kacday kaddib markii ay ka saartay Isbitaalka Sheekh Zayed; bukaano kala duwan, kuwaas oo u yimid Isbitaalka in uu bixinayay daweyn lacag la’aan ah iyo in aanay awoodin in ay iska bixiyaan qarashka adeegga caafimaadka, bukaanadaas badankoodu waxa ka yimaadeen dadka saboolka ah iyo xeryaha dadka barakaca.

Isbitaalka Sheekh Zayed ee Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Isbitaalka Sheekh Zayed bishii June-2015, waxaa munaasabadda xarigga looga jaray Isbitaalkan joogay Danjiraha Isutagga Imaaraadka carabta (IIC), Maxamed Axmed Cusmaan, Raisalwasaare Sharma’arke; guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka Mahad Cawad, Xawa Xasan; wasiiraddii caafimaadka, guddoomiyihii gobolka ee xilligaas Xasan Xuseen Mungab, Necholas Key, ergeygii QM iyo madax kale oo kamid ah howlga QM; ee Soomaaliya.

Sawirka: June-2015, Midig: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud; oo xarigga ka jaraya cisbitaala Sheekh Zayed, Bidix: Maxamed Axmed Cusmaan; Danjiraha Imaaraadka Carabta Dhexda: RW: Cumar C/rashiid

DhismahaIsbitaalka Sheekh Zayed,wejigii koowaad waxa lagu billaabay in uu qaabili karo halkii mar 300; oo bukaan oo la siinayo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, iyada oo lagu kordhiyey dhismaha qaybo kale oo si taqasus gaar ah loo dhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh; iyo danjiraha IIC, oo ka hadlay furitaanka Isbitaalka ayaa sheegay in wejiga labaad lagu kordhin doono 200; oo sariir, iyada oo mw Xasan sheikh; si gaar ah u sheegay in IIC; ay fulin doonaan mashaariic dheeri ah oo ku saabsna dhinacyada horumarinta sida Nabadgelyada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.[1]

Hordhac

Xiriirka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabtu waxa uu kamid yahay xiriirada lagu tilmaamo kuwa soo taxnaa muddada dheer ama taariikhiga ah, waxa uu soo billowday xiriirka labada dal inta la ogyahay ka hor 200; sano.

Sanadkii 1837;dii deegaano katirsan Waqooyiga Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa Suldaan Bin Saqar Al-Qaasimi[2].

Markii ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya; waxaa sii xoogeystay xiriirka Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya; tusaale ahaan markii uu Ahun: ciidanka XDS; oo talada dalka xoogga ku qabsaday kaddibna Sarreeye gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; uu noqday guddoomiyaha golaha kacaanka Imaaraadku waxa ay siiyeen 12; diyaaradood oo ah kuwa dagaalka, nooca Hawker Hunter-ka oo lagu sameeyey Ingiriiska[3].

1972; Sheekh Saayid Bin Suldaan; ayaa soo jeediyey in Isutagga Imaaraadka Carabtu ka fuliyo mashaariic ballaaran dalka Soomaaliya; waxaa kamid ahaa mashaariicdaas jidka Sheekh Saayid ee isku xira magaalooyinka Berbera iyo Burco; kaas oo gaaraya 160 km[4].

Kaddib qaran-jabkii Soomaaliya sanadkii 1990-kii Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa uu kamid noqday Isbaheysigii caalamiga ahaa ama Holwgalkii QM ee Soomaaliya UNOSOM(United Nations Operation in Somalia II); kaa oo Mareykanku horkacayey,.
IIC; waxa uu xilligaas cutub ka tirsan ciidanka milateriga u diray magaalada Muqdisho; kaas oo ka qaybqaatay howlgalkii Rajo soo celinta (Restore hope)

Wixii ka dambeeyey 2000; Imaaraadku waxa uu ku koobnaa oo keli ah dhinaca kaalmada bani’aadminimo isaga oo marsiinayey Bisha cas ee Imaaraadka, waxa uu kaalin fiican ka qaatay howlaha bani’aadminimo ee Soomaaliya; kuwaas oo lagu caawinayey dadka u baahan gargaarka, waana arrintaasi midda uu maqaalkani quseeyo marka la ga istaago dhinaca Qaanuunka Caalamiga ah ee Bani’aadamka.

Billowga Muranka siyaasadeed ee Saameeyey howlaha Bani’aadminimo.

Bishii June-2017; Dowladda Soomaaliya waxa qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah oo ku aaddanaa khilaafkii u dhexeeyey dowladaha gacanka carabta.

4; dowladood oo Isutagga Imaaraadku kamid yahay ayaa go’doomiyey dowladda Qatar; iyaga oo ku eedeeyey in maalgelin iyo xannaano u sameyso ururo iyo shaqsiyaad kamid ah waxa loo yaqaan argagixisada, dowladda Imaaraadku go’aankaas kuma farxin sidaas awgeed waxa ay iskudayday in ay culeys siyaasadeed saarto xukuumadda dhexe, waxa ay xiriir gacan togaaleysi ah la yeelatay dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyada oo qaarkood ku casuuntay dalkeeda, tallaabadaasi waxa ay sii calwisay xiriirka labada dal, balse ma gaarin heer ay istaagaan howlaha bani’aadmiminimo ee Isutagga Imaaraadku ka waday Muqdishow.

1-Maarso-2018; Shirkadda dekadaha ee Dubay, maamulka Somaliland & Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan maalgashiga dekedda Berbera; iyada oo aanay xukuumadda dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya aanay sida ay sheegtay waxba kala socon, inkasta oo wasiirka koowaad ee xukuumaddu uu joogay ciidda Imaaraadka markii la saxiixayey heshiiska saddex-geesoodka ee maalgashiga dekedda Berbera.

12-Maarso-2018; Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa soosaaray xeerka dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed; kaas oo Shirkadda dekadaha ee Dubay ka mamnuucaya ka howlgelidda Dalka Soomaaliya, taasina waxa ay si aan toos ahayn u taabatay danaha Imaaraadka ee Bariga Afrika, kuwaas oo wax xoogaa caqabad ah kala kulmay dhinaca dekedda Dooraale ee Jamhuuriyadda Jabbuuti.

8-April-2018; ciidanka nabadgelyada ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho; ayaa qabtay diyaarad rayid ah oo laga leeyahay Imaaraadka, taas oo ay saarnaayeen 47; sargaal oo Imaaraad ah, islamarkaana sidday lacag dhan 9,600.000; (Sagaal milyan & Lix boqol oo kun), tallaabadaasi waxa ay sii cakirtay xiriirkii labada waddan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa sheegtay in xilligii duulimaadka diyaaradda ay ciidamada ammaanka Soomaaliya dib u dhigeen muddo saacado ah, iyada oo ku doodday in lacagtu ahayd mid loogu talagalay ciidanka Soomaaliya, waxa ay Wasaaraddu cuskatay isfaham dhexmaray November-2014; labada dal oo ku saabsan iskaashi dhanka Millateriga ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa ku sheegtay war-murtiyeed ay soosaartay laba maalin kadib dhacdada in tallaabada ay qaadday Soomaaliya ay tahay mid halis ah oo baal marsan Qaanuunka, waxa ay ku tilmaantay tallaabada ay ciidanka nabadgelyada Soomaaliya ku xayireen diyaaradda Imaaraadka iyo lacagtii saarnaydba ay tahay mid gef ku ah xeerarka iyo dhaqamada Diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dowladaha[5],

Falcelinta Isutagga Imaaraadka

17-April-2018; Isbitaalka Sheekh Zayed ee magaalada Muqdisho oo uu isutagga Imaaraadku Carabtu hirgeliyey islamrkaana gacanta ku hayey ayaa joojiyey shaqadii uu hayey, Dhaqtar Salim Nurani; agaasimaha Isbitaalka Sheekh Sayed ayaa sheegay in uu soo gaaray amar lagu xirayo isbitaalka.

Isbitaalkan oo si lacag la’aan ah u daaweyn jiray 200-300; oo bukaan kuwaas oo kamid ah dadka Saboolka ah iyo barakacayaasha ayaa xiritaankiisu waxa uu ku lug yeeshay khilaafka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya, taas oo xad-gudub iyo xeer jebin ku ah xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminimada iyo howlaha bani’aadminimoIHL(International Humanitarian law).

Siyaasadeynta howlaha bani’aadminimo

Xeerka caalamiga ah ee Bani’aadminimadu waxa uu koobayaa dhammaan heshiisyada caalamiga ah iyo xeerarka dowladaha ee dammaad qaada xushmeynta aadanaha, illaaliya labada qaybood ee xuquuqdiisa, Tan shaqsiga ah iyo midda siyaasiga ahba, xilliyada Nabadda iyo Collaadda labadaba, kaasina waa xeerka loo yaqaan Qaanuunka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha.

W/Q:AXMED GUUTALE 

DERSA SHARICGA IYO QAANUUNKA


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip