Dil ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday April 25, 2018 - 20:28:19 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil ka dhacay Muqdisho

    Wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buur-dheere ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay halkaasi ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buur-dheere ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay halkaasi ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa geystay laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo Asariga ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, iyaga oo intaasi kadib ka baxsaday goobta.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Buule oo ku magac dheeraa Xamaada, sida ay inoo sheegeen Maamulka degmada Waaberi oo aan la xiriirnay.

Ciidanka ammaanka iyo maamulka degmada ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga oo la geeyay xarunta CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidamada ayaa Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo waxa ay ka wadaan xaafada Buur-dheere oo ah halka uu dilka ka dhacay, waxayna ku raadjoogaan ragii dilka geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip