Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Xal Laga Gaaro Colaadaha Ka Taagan Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya
Guddoomiyaha golaha guud ee Qaramada Midoobay Miroslav Lajcak ayaa dalbaday in wax laga qabto colaadaha iyo dagaallada ka taagan qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Mr Lajcak ayaa sheegay in dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ka taagan yihiin colaado xoogan oo galaaftay nolosha kumanaan ruux.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dalalka ugu daran ee ay xilligan ka taagan yihiin colaadaha ay ka mid yihiin Syria, Suudaanta Koonfureed, Yemen, Libya, Somalia iyo Afghanistan.
Mr Miroslav Lajcak oo ka hadlay shir looga hadlayay nabadda caalamka oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban colaadaha ka taagan qeybo ka mid dunida ay horseedi doonto dhibaatooyin adag.
Waxaana uu intaasi ku daray in caalamka ay door weyn ka qaataan sidii loo baajin lahaa dhiiga ku daadanaya qaar ka mid ah dalalka ay colaadaha ka taagan yihiin
Qaramada Midoobay ayaa hore u qaaday tallaabooyin lagu xalinayo dagaallada ka taagan dalal dhawr ah