Shir Looga Hadlayay Arrimaha Doorashooyinka 2021-Ka Oo Lagu Qabtay M/ Nairobi
Shirkani oo looga hadlayay arimaha Doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan Sanadka 2021-ka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Gabagabadii shirkaasi oo socday muddo 3 Cisho ah ayaa laga soo saaray War Murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen waaxda arrimaha siyaasada Ururka Midowga Africa, guddiga doorashooyinka Qaranka DFS iyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Qodobada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah in la siiyo taageero iyo tababaro howladeena guddiga madaxa bananaan ee doorashooyinka dalka.
Sidoo kale in laga taageero Guddiga doorashooyinka Qaranka Calaamadeynta xuduudaha ay ka kala dhacayaan doorashooyinkaasi.
Ugu dambeyn War Murtiyeedka ayaa lagu lagu sheegay in dhammaan dhinacyada ay quseyso doorashadaasi looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sidii Soomaaliya looga dhisi laha dowladd horseeda dimoquraadiyad, nabad, iyo xasiloni siyaasade