Waxaana uu tilmaamay in uu ka qiimo jaban yahay midka Kenya, maadaama aanay saarneyn canshuur xad dhaaf ah, sidoo kalena uu dhulka ka soo galo Soomaaliland.

Mr Munjuri ayaa xusay in bartilmaameedkooda uu yahay in 150 Tan oo Qaad ay geeyaan maalin kasto deegaannada maamulka Soomaaliland.

Basle hadda uu marayo kaliya 50 Tan, arrintaasina uu u sababeeyay canshuurta faraha badan oo Soomaliland ay saartay Qadkooda, maadaama Kenya aysan xiriir diblomaasiyadeed oo toos la lahayn maamulkaasi.

Waxaana uu dowladda Kenya ugu baaqay in ay Aqoonsato Soomaaliland, si ay meesha uga baxdo canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogo Qaadkooda.

Sanad ka hor ayey aheyd markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo yimid kadib markii mas’uul ka tirsan Kenya nuu sheega in ay Aqoonsan doonaan Soomaaliland.