Spain oo qorsheyneysa in ay la wareegto Howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida

0
Wednesday April 25, 2018 - 19:22:17 in Wararka by
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain oo qorsheyneysa in ay la wareegto Howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida

    Spain ayaa indhaha ku heysa in Xarunta ugu weyn ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ah laga hirgeliyo Caasimadda dalkeeda ee Madrid, maadaama sida horey loo shaaciyay Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday in ay ka baxdo liiska wadamada Midowg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Spain ayaa indhaha ku heysa in Xarunta ugu weyn ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ah laga hirgeliyo Caasimadda dalkeeda ee Madrid, maadaama sida horey loo shaaciyay Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday in ay ka baxdo liiska wadamada Midowga Yurub ka tirsan.

Waxaa kaloo jira wadanka Netherlands oo isaguna ka mid ah wadamada u hanqal taagaya in saldhigga ugu weyn howlgalka la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida uu qaabilo.

Sidoo kale Spain waxay dooneysaa in xarunta Howlgalka EUNAVFOR Atalanta Operation ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ay ka dhigto magaalada Rota oo ku taalla Koofurta dalkaas.

Maria Dolores Cospedal oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Spain ayaa waxa uu ku faanay in dalkiisa uu yahay midka ugu horeeya qabashada iyo marti gelinta xaruntan Midowga Yurub.

"Waxay u baahan tahay xarun gaar ah oo xarunteedu tahay (Operational Office) taas oo u oggolaanaysa jihada istaraatiijiga ah iyo xakamaynta aagagga juqraafiga xiisaha weyn ee Yurub, waxaan aaminsanahay inaan awoodno xilkaas.” Ayuu yiri Wasiir Maria Dolores.

Howlgalkan waxaa la sameeyay 2008-dii markaas oo Burcad badeedda Soomaalida ay weeraro badan ka geysanayeen Xeebaha Soomaaliya, Gacanka Carabta iyo Badweynta Hindiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip