Tiro Soomaali Lagu Dilay Gudaha Mareykanka Oo La Aasay "Sawirro"

0
Wednesday April 25, 2018 - 19:12:16 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiro Soomaali Lagu Dilay Gudaha Mareykanka Oo La Aasay "Sawirro"

    Shacab fara badan oo Soomaali u badnaa ayaa ka qeybgalay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaro oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab fara badan oo Soomaali u badnaa ayaa ka qeybgalay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaro oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

Dhalinyaradan waxa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah.

Laamaha Booliska dalka Mareykanka oo goobta yimid ayaa qaaday medka kuna wargaliyay laamaha amaanka in la dilay labo dhalinyara ah oo xiligaasi Booliska garan wayay ehelada marxuumiinta.

Qabuuraha Muslimiinta ee Columbus Ohio ayaa maanta lagu aasay waxaana ka soo qeybgalay dad aad u baddan oo ka murugsan Dilalka loo geystay dhalinyaradaasi oo lagu kala magacaabi jiray C/laahi Sacid Sharif oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa.

Waxaa sido kale ilaa iminka aan la heyn cadeyma ku saabsan dhalinyarada cida ka danbeysay dilkooda.

Sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii 8 dhalinyaraa lagu dilay Columbus kuwaas oo sida la sheegay Soomaalida dhexdeeda ay mushkiladu ahayd.

Ciidamada danbi baarista iyo Boolisku waxa ay aad uga wal walsan yihiin Cabsida aan micnaha lahayn ee haysa dadka Soomaaliyeed kuwaas oo hadii ay danbiilaha sheegaan u arkaya in iyaga la layn doono taasna ay tusaale xun u tahay sidii guul looga gaari lahaa arintaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip