Israa'iil oo baajisay qaxooti ay dib ugu celineysay Afrika

0
Wednesday April 25, 2018 - 11:04:21 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo baajisay qaxooti ay dib ugu celineysay Afrika

    Israa'iil ayaa waxa ay sheegtay inay ka laabaneyso qorshe ay dib ugu celineysay muhaajiriin Afrikaan ah oo sifo sharcidarro ah ku galay dalkaasi. Qoraal ay Israa'iil u dirtay maxkamadda sare, ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka baaraan dageys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil ayaa waxa ay sheegtay inay ka laabaneyso qorshe ay dib ugu celineysay muhaajiriin Afrikaan ah oo sifo sharcidarro ah ku galay dalkaasi. Qoraal ay Israa'iil u dirtay maxkamadda sare, ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka baaraan dageyso qorshooyin ay dib u dejin ikhtiyaari ah ugu sameyneyso qaxootiga Afrikaanka ah balse waxa ay sheegtay in qorshihii sida qasabka ah dib loogu celinayay qaxootigan haatan meesha laga saaray. Xaalada 30 kun oo qaxooti Afrikaan ah oo kasoo kala jeeda dalalka Eritrea iyo Sudan ayaa noqotay mid si weyn loogu dagaalamay oo la isugu qabsaday.

Maxkamadda ugu sareysa Israa’iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay.

Qorshaha lagu doonayay in dadkani muhaajiriinta ah dib loogu celiyo Afrika gaar ahaan Uganda iyo Ruwanda ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha Israa’iil waxaana ka dhashay dibadbaxyo.

Qorshahan imika cusub waxaa lagu wadaa in lagu dhaqan galiyo muddo ka badan 5 sano.

Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa waxay Israa’iil ka soo galeen dhanka Masar dhowr sano ka hor inta aan darbiga laga dhisin xuduuda lama degaanka ah.

Arrintani ayaa imika soo afjartay safar dheer oo dhanka sharciga ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip