Faah-faahin:-Weeraro Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Dagaalka oo bilowday xalay fiidkii ayaa soo gaaray saqdii dhexe, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al-shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaliya ku leeyihiin xaafadda Arbacoow oo kamid ah deegaan weynaha Ceelasha.
Labadda dhinac ayaa la sheegay in dagaalka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Warar lagu baahiyay baraha Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Dhanka kale dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar bambaano loo adeegsaday xalay ku qaaday Laanta Suuq Bacaad iyo saldhigga degmada Shibis ee Gobolka Banaadir