HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA ABRIIL 2018-KA

0
Tuesday April 24, 2018 - 08:21:57 in Wararka by
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA ABRIIL 2018-KA

    MAAMULKA DEGMADA BALCAD OO XAB SIGA DHIGEY WERIYE CABDULAAHI MAX AMED ALCADAALA Maamulka degmada Balcad ee G/ Sh/dhexe ayaa xabsiga u taxaabay weriye C/hi Maxamed Xasan (AlCad aala) oo ka mid ahaa weriyaasha ka howgala degmada Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAAMULKA DEGMADA BALCAD OO XAB SIGA DHIGEY WERIYE CABDULAAHI MAX AMED ALCADAALA Maamulka degmada Balcad ee G/ Sh/dhexe ayaa xabsiga u taxaabay weriye C/hi Maxamed Xasan (AlCad aala) oo ka mid ahaa weriyaasha ka howgala degmada Balcad.

 

Weriye AlCadaala ayaa la sheegay in xarigiisa uu ka dambeeyay amar uu bixiyay G/degmada Balcad Qaasim Fu rdug iyadoo aan la ogeyn sababta dha bta ah ee ka dambeysa xariga weriye AlCadaala. Wariyahah ayaa wakiil wa reed u ahaa taleefishinka SomNews si doo kale waxa uu weriye Cadaala uu ahaa tifatiraha Radio Balcad oo dhow aan ay bililiqeysten ururka AlShabab.

Ururka saxaafada G.Sh/dhexe oo ka hadlay xariga saxaafada ayaa ka dalbaday Maamulka degmada Balcad in shuruud la’aan uu ku sii daayo weri yaha loona oggolaado in howlihiisa shaqo uu qabsado.

"Ma aha wax la aqbali karo in weriye howlihiisa si caadi ah ugu gudo jira in xabsiga la dhigo iyadoo aan la sheeg in qalad ama dambi uu sameey ay.” Ayuu yiri G/Ururka saxafiyiinta Sh/dhe xe Maxamed Abuukar Caseyr oo u wa ramayay shabakada warbaahinta jowh ar.com.

Xarigga weriyaasha oo shaqadoodu ay tahay inay u soo bandhigaan sha cabka Soomaaliyeed wixii akhbaaraad ah ayaa maamulada ka jira dalka mar ka ay u arkaan inuu ka horimanayo da nahooda ay xabsiga dhigaan iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin.

DOOD ADAG OO KA DHALATAY SHARCIGA DADKA SOGALOTIGA AH EE FARANSIISKA

Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka so cdaalka ah oo sii adkaynaya xeerarka lagu hago dadka soo galootiga ah. Sharcigan ayaa soo gaabinaya wakht iga kama dambaysta ah ee la qabto codsiyada dadka magangalyo doonka ah, wuxuuna labo jibaarayaa wakhtiga xabsiyada lagu haynkaro dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Shuruucdan cusub waxaa sidoo kale ka mid ah hal sano oo xabsiga la dhigi doono dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Xisbiga madaxweyne Emmanuel Macron ee siyaasaddiisu dhexdhexa adka tahay ayaa sheegay in sharcigan cusub uu wax ka tari doono qaabka loo maro codsiga magangalyada. Laakiin mucaaradka iyo qolyaha xuqu uqda aadanaha u dooda ayaa sheeg ay in xeerkaas lagu talaxtagay.

Sharcigan waxaa ogolaaday 228 xi ldhibaan, waxaana ka soo horjeedsad ay 139, waxaana codaynta ka baaqsa day 24 xildhibaan. Codaynta ayaa ma almihii nashada u dhacay ka dib mar kii la soo jeediyay in boqolaal jeer is badal lagu sameeyo

JeanMichel Clément oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Macron ee La République en Marche ayaa ka soo horjeedsaday sharcigan, 14 xildhibaan oo isla xisbigan ka mid ahna way ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan.

MADAXA XUKUUMADDA GALMUDUG OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA

Wafdi ka socda hey’adda Cunnada Adduunka u qaabilsan QMee WFB ayaa shalay gaaray M/dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Waf diga waxaa hoggaaminayey Lorenza Beka oo ah madaxa WFB ee Soomali ya waxaana garoonka Diyaaradaha dhuusamareeb ku soo dhoweeyey Ma daxa hey’addaha gargaarka Galmud ug Maxamed Axmad Warsame (Koofi) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan D/G/ Galmudug.

Wafdiga ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen Bakhaaro waaweyn oo keydka Raashinka ee W FB loo dhisayo oo ku yaala duleedka dhuusamareeb iyo Xafiisyo WFB ay gudaha dhuusamareeb ka furatay. Ma daxa X/M/Galmudug iyo Wafdiga ka socday WFP aya kulan gaar ah wax ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooya da ayaa waxa ay uga wada hadleen qorshaha DFP iyo Maamulka Galm udug ay ku wada Shaqeyn karaan

Madaxa X/Maamulka Galmudug Ma xamed Shaakir Cali Xasan ayaa shee gay inay ku faraxsan yihiin sida ay Shacabka Galmudug u gacan siinaya an,isla markaana wax allaala iyo waxa ay Hay;addu u baahan tahay ay diya ar la’yihiin.

MAREYKANKA OO WADAMO DHACA AFR IKA KALA HADLAY SIDII LOO WIIQI LAH AA AWOODA ALSHABAAB

Xubno ka socda dowlada Mareykan ka ayaa socdaal ku maraya wadama da dhaca bariga Q/Afrika. Socdaalka as ayaa dowlada Mareykanka waxay ku tilmaantay in uu yahay mid wadam adaas ay kala hadlayaan sidii looga adkaan lahaa Alshabaabka ka dagaa lama Soomaaliya. Xubnahaan Mareyk anka ah ayaa gaaray dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea waxaana mas`uuli yiinta wadamadaas ay kala hadleyn sidii leyskaga kaashan lahaa, dagaal ka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxaana Mas`uuliyiintaan ay tilmaameyn in Alshabaab ay Qatar ku yihiin wadamada Qaarada Afrika.

Danjire Donald Y. Yamamoto, oo ka mid ahaa xubnihii dowlada Marey kan ka ee qeybta ka ahaa socdaalka an ayaa yiri”Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka dowlada Mareykanka iyo dowl ada kale ee Qaarada Afrika, si looga adkaada kooxaha Argagaxisada ah”

Mareykanka ayaa sheegay inuu wax badan uu ka qabtay dhaq dhaqa aqa Alshabaab, islamarkaana Dowla da Soomaaliya uu ka caawiyay sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxda.

Dowlada Mareykanka ayaa kordh isay sanadihii dambe weerarada duq eymaha ah ee Diyaaradaha aan duu liyaha laheyn ay la beegsadaan Alshabaab.

MUSHARAXIIN LA GUDDOONSIIYAY SHAH AADADA MUSHARAXNIMADA AFHAYEEN KA BAARLAMAANKA

Guddiga doorashada Guddoomi yaha Baarlamaanka G/ShF ayaa shal ay diiwaan geliyay isla markaana gud doonsiiyeen shahaadooyinkooda mu sharaxnimo. G/Guddiga doorashada G/G/shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxi iinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maanta

Musharaxixiinta shalayshahadooy inka la guddoonsiiyay waxa ay kala yihiin Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yar ow, Xildhibaan Sh.Cali Sheekh Maxa med, Xildhibaan C/casiis Xasan Ma xamed (Laftagareen), Xildhibaan Saa lim Caliyow Ibrow iyo Xildhibaan Sh.adan Maxamed Nuur (Sh.adan Ma doobe). Waxaa la filayaa in musharax iin ka le inay Maanta gudbin doonaan codsi gooda iyadoo la qorsheeyay in 30 ka bishan April oo ku beegan Isniin ta soo socoto ay dhacdo doorashada guddoo miyaha BFS Shanmusharax oo la guddoonsiiyay shahaadooyinka musharraxnimm

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA HIRSHAB ELLE CAADLE OO MAGACAABAY G/ KU XI GEENKA GOBOLKA HIIRAAN

Wareegto ka soo baxday Xafiiska W/ Arrimaha Gudaha iyo D/Hoose ee M/mulka HirShabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa loogu Magacaabay Jaam ac Faarax (Kabaweyne) G/miye ku xig eenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/ Hiiraan.

Wareegtada oo ku taariiqeysan 22ka bisha April 2018 ayaa lagu shee gay ka dib wadatasho lala yeeshay Bulshada iyo Xildhibaanada Heer fed eraal ee deegaan doorashadoodu tah ay HirShabelle in xilkaas loo Magaca abay Jaamac Faarax (Kabaweyne)

Xilka Guddoomiye ku xigeenka M aamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa todobadkii hore waxaa iska casilay Xuseen Cismaan Muumin Garbooy kadib markii uu she egay in wadatashi uu la sameeyey wa xgaradka Beeshiisa xilkaana aysan u qalmin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirsha belle Md.Cali Caadle oo wareegtadan soo saaray ayaa ku sugan M/ B/wey ne isagoo kamid ah wafdi uu horkaca yo madaxweynaha Hirshabelle Max amed Cabdi Waare oo halkaa u jooga dib u habeyn lagu sameynayo maamu lka gobolka Hiiraan. Maamulka Hirsha belle ayaa dhowa an xilkii ka qaaday Guddoomiyihii hore ee G./Hiiraan iya doo guddoo miye cusub loo magaca abay.

SOSCENCA OO MUQDISHO KU SOO GABA GABEYSAY SHIR LABA MAALMOOD SOCDAY

Ururada Bulshada Rayidka ayaa 2 maalmooda waxa ay M/Muqdisho ku lahaayeen shir ku saabsan xallinta Do orka bulshada rayidka ee xal u helista khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka Dastuuriga ah.

Shirka inta uu socday ayaa marar ka qaar waxaa barbar socday dood cil miyeed ay sameynayeen dhinacyada shirkaasi ka qeyb galayay, waxaana gaba gabadii shirka oo maanta aheyd ururada bulshada rayidka ay soo saareen war murtiyeed ku qodobeys naa sida ay u arkaan khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka Dastuuriga ah oo qaarkood hada uu taagan yahay.

Gudoomiyaha ururka bulshada rayid ka ee SOSCENCA Diini Maxamed Dii ni oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay war murtiyeedka ay soo saareen, wuxuuna sheegay in ay qiimeyn ku sameeyeen marxalada uu dalka marayo.

"Wadanka duruufaha sida gaar ah aan u cayimnay waxay aheyd khilaafka si yaasiga ah iyo khilaafka Dastuuriga ah, mararka qaar khilaafka siyaasiga ah ayaa wuxuu isku bedelaa khilaafka Dastuuriga ah, marka aan qiimeynay maralada uu dalka marayo ayaan 2d aas cinwaan dooranay,” Ayuu yiri Gud doomiye Diini.

Sidoo kale Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay qaban doonaan shir kale oo lagu lafa gurayo waxyaabaha ka soo baxay kulankan maanta la soo gaba gabeeyay.

Ugu dambeyntii ka qeyb galayaasha ayaa waxa ay soo jeediyeen in mu hiim ay tahay in la helo guddiyo u gaar ah bulshada rayidka, kaasi oo u baah an dhisidiisa in laga yeesho falanqeyn dheer, si loo helo guddi si hufan u gud anaya shaqadiisa.

KOOX MAAFIYO AH OO SOOMAALIYA HUB QARSOODI AH GEYSAY OO LAGU XU KUMAY MAREYKANKA

FacebookTwitterGoogle+Share

Maxkamad ku taal Manhatten, New York ayaa waxaa ay xukunno ku riday saddex nin oo askar hore Mareykan ah iyo kaabohooda kuwaas oo caalam ka uga howlgali jiray qaab "mafiyo” islamarkaana ay maxkamaddu ku eed eysay faldambiyeedyo ay ka mid yi hiin, dilal, ka ganacsiga daroogada, hub iibin iyo qorsheyn ridid dowlado.

Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stil lwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ay aa waxaa lasoo kale xiray xilliyo kala duwan, waxaana labo ka mid ah lagu xiray dalk a Mareykanka 2013kii xilli ay kasoo laabteen howlgal lagu soo khaarajiyay haweeney u dhalatay dal ka Filippin oo sida la sheegay dahab ka xaday madaxa koxda Paul Le Roux

Paul Le Roux oo isagu ah kaabaha kooxdan ayaa lagu soo qabtay howl gal qorsheysay oo lagu siray sannad kii 2012ka kaas oo ka dhacay Afrika, gaar ahaan magaalada Monrovia ee dalka Liberia. Ninkan ayaa waxaa sir ay sirdoon ka tirsan waaxda daroogoka hortagidda Mareykanka ee loo yaq aa "Drug Enfor cement Administration (DEA)” kuwaas oo isaga soo dhigay koox Colombian ah oo daroogada ka ganacsata. Le Roux oo ay booliska wareysi la yeesheen ayaa u sheegay warbixinno ay la amakaageen kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu hub khatarta ah ka iibin jiray dowladda Iran, inuu 200 oo jabh ad ah ka aasaasay Soo maaliya uuna hubeeyay, inuu xarun qarsoodi ah uu ku lagaa Soomaaliya, inuu hub qarsoo di ah ku iibin jiray Soomaaliya iyo in uu cinqilaab lagu ridayo dowladda ka sameyn rabay jasiiradda Seychelles ee bannaanka Soomaaliya ku taal.

Mar ay maxkamadda wax ka weydii say waxa uu u sameynayay waxaas oo dhan ayuu ku jawaabay inay aheyd oo kaliya lacag isla markaana ciddii la cag haysatay uu la macaamili jiray.

Laguma cadeyn warbixinta cidda ama goobaha uu Soomaaliya kaga howlgali jiray. Ninka isna howlgal qor sheysan lagu soo qabtay sannadkii 2013ka ee kooxda ka tirsan ayaa ah Joseph Hunter (sawirka kore) kaas oo ciidamada komandosta Thailand ay kasoo qabteen magaalada Bangkok.

Hunter ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.

TALIYAHA CIIDAMADA GENERAL GOROD OO KA HADLAY DAGAAL KA DHACAY XERA DA GENERAL GORDON.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaam ac Gorod ayaa sheegay in gacanta la gu soo dhigay askartii ka tirsanayd Xe rada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xerada.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in isras aaseyn ay ka dhacday xerada ka dib markii ay halkaas soo gaareen cutub yo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhiga an askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed. "Ciid anka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraak iishii ka danbeeyey dhacdadaan, ink astoo ay tira ahaan aad u yaryihiin ha ddana waa mid aan marnaba la qaad an karin, waxaanna ballan qaadeey naa inaan hor keeni doonno sharciga.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xu say in ciidanka Soomaaliyeed markas ta ay aaminsanyihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan in ay tahay difaaca ka raamadooda iyo qarannimadda wadd ankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadkiisa Qaran.

IBRAAHIM ISAAQ YAROW OO ISKA CASI LAY XILKII WASIIR KUXIGEENKA WASAA RADDA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA

Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddo omiyaha G/Shacabka ayaa ku dhawa aqay inuu buuxiyay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada, iskana casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Wasa aradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ayaa sheegay inuu u hoggaansamay shuruudii Guddiga qaban qaabada do orashada G/G/Sh, oo aheyd in qof ha ya xil Wasiir aanu tartami karin, illaa uu iska casilo.

"Waxaa rabaa inaan halkan ka cad deeyo inaan iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa u gudbiyay warqadii istiqaalada Xafiiska R/wasaaraha”ayuu yiri Ibra ahim Isaaq Yarow.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu buuxiyo shuruudii guddiga, isla markaana la siiyay shahaadadii Musharaxnimo ee xilka G/ Baarlam a anka. Guddiga qaban qaabada doora shada ayaa bilaabay diiwaan gelinta musharaxiinta, oo socon doontaa illaa maalintamaanta Illaa iyo hadda 2 Wa siir kuxigeen oo ka mid ah Musha rax iinta xilka Guddoomiyaha Baarlaman ka ayaa iska casilay, waxaana wali la sugayaa Wasiiro buuxa inay is casil aan, ka hor inta aysan is diiwaan gel in. 30ka bishan April ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada GGsh, sida uu shaaciyay Guddiga qaban qaabada doorashada.

WASIIRKA CADAALADDA OO MAANTA HO RTAGAY BAARLAMAANKA AQALKA SARE

Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo shalay yeeshay kalafadhigii 3aad kullankiisa 7aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuqmaasuqa ka dhag eysteen W/Cadaaladda XFS Abuukaa te Xasan Xuseen oo hortagay, waxaa na Kullanka shalay ee G/Aqalka sare shir guddoominayay G/G/qalka sare Md.Cabdi Xaashi C/llaahi. W/Cadaala dda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dag aallanka Masuqmaasuqa ka hor akhri yay Xildhibaanada Golaha Aqalka sa re ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014kii,isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcig an sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuqmaasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuqmaas uq si ay u soo mariyaan akhrinta 1aad ka dibna ay u ansixiyaan. Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada G/Sh. una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa G/Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq ma asuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee la dagaallanka Ma suq maasuqa sida waafaqsan dastu urka Soomaaliya. Sidoo kale, Xeerka ni ayaa muhiimadiisu waxay tahay la xisaabtanka iyo habsami u Maamulka howsha Qaranka,iyadoo la ilaalinayo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo Hantida Ummadda oo laga dhowro bo ob iyo ku takrifalka sharcidarada ah.

G/MIYE YARISOW "MA AQBALI DO ONO IN QASHIN LAGU SHUBO WADOOYIN KA”

Guddoomiyaha G/Benaadir ahna Duqa Muqdisho Md.C/maan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shalay ko rmeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashin ka laga qaado Caasimadda, ayaa she egay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha a an loogu talagelin. Duqa Muqdisho ay aa ugu baaqay shacabka ku nool Muq disho in hadda wixii ka danbeeya qa shinka lagu shubi doono godadka waa weyn oo loo sameynayo, taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu mara an.

"Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinay naa wixii haatan ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin lagula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo sha cabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda. Dhanka kale, Eng. Yarisow ayaa shalay uga qeyb galay Safaaradda Turkiga mashruuc ay hay’adda bisha Cas ee dalkaas ag ab gargaar ah ku siinaysay 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxuu uga mahad celiyey isgarab taagga dawlad da Turkiga ee shac abka Soomaaliye ed, gaar ahaan bul shada nugul. nadaafada waa naga go ‘an tahay

WASIIRU DOWLIHII WASAARADDA GANAC SIGA OO ISKA CASILAY XILKA ISAGOO SHAACIYAY IN UU MUSHARAX YAHAY

C/siis Xasan Maxamed Lafta Gareen W/dowlaha W Ganacsiga iyo Warsha daha XFS ayaa shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. Md.Lafta Ga reen oo shalay Warbaahinta kula had lay M/Muqdisho, ayaa sheegay in isca silaadiisa ay sabab u tahay ka dib mar kii uu go'aansaday inuu u istaago qab ashada xilka G/Golaha Shacabka.

Waxuu carrabka ku adkeeyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soo maaliya, sidaasi awgeedna booska Wasiiru dowlaha uu isaga casilay.

Guddiga Qaban qaabada Dooras hada GBS ayaa horay u sheegay xub naha Wasiiradaee isku sharaxaya xil ka Afhayeenka Baarlamaanka Soom aaliya in laga doonaayo inay xilalka iska casilaan. Ugu dambeyn 30ka bi shaan ayaa G/Q/Qda ay iclaamiyeen inay dhici doonto doorashada G/ Gsh.

URUR GOBALEEDKA IGAD OO BERRITO KA WADA HADLI DOONA ARRIMAHA SO MALIA IYO SOUTH SUDAN

Dowladda Uganda waxay martige linayaa Kulankaasi oo maanta ka fur mi doona Hotelka Sheraton ee Magaal ada Kampala. Kulankaasi oo socon do ona muddo 2 maalmood ayaa waxaa ka qeyb geli doona Wasiiradda Arrim aha Gudaha iyo Dibedda ee 8da Wad dan ee xubnaha ka ah Ururgobaleed ka IGAD.

Shirkaasi waxaa kaloo lagu casuum ay Xildhibaano, Khubarada Socdaalka ee IGAD iyo Saraakiil ka kala socda Hay’addaha QM ee u xil saaran Arri maha Qaxootiga iyo Socdaalka. Warb aahinta Uganda ayaa sheegtay in Kul ankaasi oo Wadatashi ah looga hadli doono Arrimaha Somalia iyo South Sudan iyo Baratokoolka Dhaqdhaqaa qa Xorta ee Qaxootiga labadaasi Wad dan ee gudaha dalalka IGAD. Kenya iyo Uganda waxaa ku nool Qa xooti b dan oo ka soo kala jeeda So malia, South Sudan iyo kuwo kale, ku waasi oo culays ka haysto Xorriyadda Socd aalka Guud. Si kastaba ha ahaatee, Ururgobal ee dka IGAD waxaa xubno ka ah dalalka Somalia,

Djibouti,Ethiopia,Eritrea,Kenya,Uganda, Sudan iyo South Sudan

R/WASAARE KHEYRE OO KA HADLAY SABABTA MADAXWEYNAHA UGU GUUR AY W/GAASHAANDHIGGA

kheyre (2) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khe yre ayaa sheeg ay in dowladda Sooma aliya ay waddo qorsha ha dib u yagle elidda iyo dhis maha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si labada sano ee soo socda amniga dalka ula ware egi lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in qorshahaas uu haatan yahay mid socda, isla mar kaana uu marayo meel fiican, waxaa na uu tilmaamay in Madaxweynaha uu hormuud u yahay dadaalladaas.

Md.Kheyre ayaa sheegay in Mada xweyne Farmaajo uu u tagay Wasaar adda gaashaandhigga, ugana guuray xafiiskiisa ay tahay qorshaha dhisma ha ciidanka, tirakoobka iyo qalabka ay heystaan.

"Madaxweynaha waxaa uu xafiiskii sa ugu guuray, oo uu u degay Wasaa radda Gaashaandhigga, la deggan cii danka, la seexda qolalka yar yar iyo te endhooyinka waa dhismaha, tirakoob ka, iyo yagleelida ciidanka xoogga dal ka”ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in bisha soo socota wafdi uu hoggaa minayo ay shir uga qeyb geli doonaan magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ku saabsan qorshaha la wareegida amniga, dib u yagleelida iyo dhisida ci idanka oo haatan mareysa meel fiican.

OTOTO 888 "Waxaa la isku raacay in la daradar geliyo dhismaha ciidanka, waxaa la is ku raacay in dhismaha ciidanka uu ya hay muhiimada koowaad ee dowlad da, waxad ogtihiin in sanad ka hor idi in sheegay in dalkeena uu u baahan yahay in ciidan loo dhiso, sidaad og tihiinba haatan dhismaha waa uu bilo wday, waana wax ka go’an dowladda, sannad ka hor waxaan caddeynay in ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan ammaanka Soomaaliya la wareegi do onaan, waxayna mareysaa meel fii can” ayuu yiri R/W Kheyre.

Ciidamada AMISOM ayaa qorshuhu yahay in labada sano ee soo socota la gu dhimmo, isla markaana si tartiib tar tiib ay Ciidamada xoogga dalka ay am maanka ugala wareegaan goobaha ay banneeyaan Xigashohiiraan.com

TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAA LIYA OO DIB U HOWLGALINAYA XARUNTII OTO OTO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soma aliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed Am eeriko ayaa kormeeray Xaruntii isg aarsiinta Ciidanka Booliska ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Taliyaha, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xarunt aan, waxaana warbixin buuxda dayact irka lagu sameeyey xarunta 888 ka sii yey maamulkaasi xaruntaasi.

Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Max amed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Bo oliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorsheyaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka Booliska uu lahaa ee ku burburay dag aaladii kala duwanaa ee dalka ka dha cay.

Gen Bashiir, ayaa xusay in dayactir ka ka dib dhowaan dib loo furi doono Xaruntii isgaarsiinta Taliska Ciidanka Booliska ee OTO OTO, waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qal abkii kala duwanaa ee xaruntaan ay ku shaqeyn laheyd, dhawaana la howl galin doono sida uu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed

BOGGA CAYAARAHA

MAXAY TAHAY SIRTA KA DAMBEYSA IN MOHAMED SALAH KU GUULEYSTO ABAALMARINTA PFA PLAYER OF THE YEAR ?

JORDAN HENDERSON ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa guushii uu gaaray xili ciyaareedkaan saxiib kiisa Liverpool Mohamed Salah. Salah ayaa ku guuleys tay abaalmarinta PFA Player of the Year ka dib markii xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Liverpool uu dhaliyay 41 gool tartamada oo dhan.

Iyadoo 31 gool uu ka dhaliyey Premier League, wiilka Masaarida ayaa noqon kara gooldhaliyaha hal xilli ciyaa reed ugu sareeya horyaalka England.

Salah Ka dib markii uu ku guul darreystay inuu Chelsea ku soo bandhigo qaab ciyaareed fiican, Salah ayaa ku riyaaqay no loshiisa cusub ee garoonka Anfield, waxaana uu qeyb weyn ka yahay weerarka halista ee Roberto Firmino iyo Sadio Mane. Henderson, oo ka qaybgalay xafladdii lagu bixinayay habeenkii hore abaalmarinta ciyaryahanka sann adka PFA, ayaa la yaabay wixii uu arkay. Kabtanka Liverpool ayaa aaminsan in sirta ka dambeysa guusha Salah ay tahay shaqo adag oo uu qabtay xili ciya areedkaan. Markii la waydiiyay haddii saaxiibkooda kooxda ay filanayeen inuu gaaro darajadaan oo kale, Henderson wuxuu yiri: "Waxaan ogeyn tayadiisa, laakiin waxaan u mal eynayaa inuu gaaray heer ka fiican mid aan ka sugeynay.

"Sida iska cad taba baraha ayaa caawi yey tan iyo markii uu yimid Liverpool, wa xa uu heystaa koox fiican, taas ayaana ka caawineysa inuu horumar sameeyo.

"Wuxuu mar wal ba ku shaqeyna yaa marxalad adag, ma rwalba qolka jimics iga ayuu ku qaataa tababar, had iyo jeer si adag ayuu uga shaqeyaa kooxda.

Liverpool, oo bar baro 22 ah la ga shay West Brom Sabtidii, waxa ay kooxda Roma la ciyaari dootaa lugta hore ee semifinalka Champions League habeenka Talaa dada.

GAARI LA JIIRSIIYAY DAD LUGEYNAYAY MAGAALADA TORONTO DALKA CANADA

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay 17 kalana dhaawacyo ay aa ka soo gaaray kadib markii la jiir siiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada.

Darawalkii waday baabuurka ayaa ka baxsaday goobta uu dadku ku wa xy eeleeyay hase yeeshee waxaa la ga soo qabtay meel ka baxsan halka uu dadku ku dhaawacay.Falkan ayaa dhacay xilli ay shaqaale badan qado u soo rawaxeen,mid ka mid ah dadka goobta ku sugnaana waxa uu shee gay in uu darawal waday gaari cad uu si ulakac ah dadka u jiirsiiyay gaariguu kaxeynayay.

Booliska magaalada ugu weyn dal ka Canada ayaa markii hore laga soo xigtey in toban ruux ay falkan ku dhaa wacmeen hase yeeshee markii dambe ayaa afhayeen u hadlay boolisku shee gay in aan la ogeyn tirada dhabta ah ee waxyeeladu soo gaartay iyo weliba heerka uu gaarsiisan yahay dhaawac oodu.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysay dad goobjoogayaal ah ayaa sheegtay in labo meyd ah lagu arkay goobta uu falkan ka dhacay.

Dalka Maraykanka iyo wadamo ku yaal qaarada Yurub ayaa weeraro waxyeelo geystey oo loo adeegsaday baabuur dad lagu jiirsiiyay ay ka dha ceen waxaana ka mid ah weerar ka dhacay bishii 31kii Oktoobar ee sa nadkii hore magaalada New York hal kaa oo ay ku dhinteen siddeed ruux tiro kalana ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa ka dhacay meel u jirtay 30kms (18 miles) bartamaha Ma gaalada Toronto halkaa oo ay wasii rada arrimaha dibbada wadamada hor umaray ee toddobada ah ay ku kulma yeen. Wasiirada kulanka u dhexeeyay ayaa waxa ay ka kala socdeen dalalka Canada, the United States, Britain, Fr ance, Germany, Italy iyo Japan. Balse lama sheegin isbedel ku yimid dhina ca ammaanka hotelka uu shirkan ka dhacayay ee Intercontinental Hotel.

Dad la jiitsiiyay baabuur magaalada Toronto

NINKII LOOGA SHAKISNAA IN UU MARAYKANKA DADKA KU LAAYAY OO LA QABTAY

Travis Reinking oo ah ninka laga shaki san yahay ayaa lagu qabtay Nashville Bo oliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee. Travis Reinking oo 29 jir ah ayaa la sheegay in gacanta la gu dhigay isaga oo ku gabanaya meel dhir badan. Wuxuuna ku eedaysan yahay in uu rasaas ku furay dad Axaddii ku sugnaa makhaayad, kadibna intuu dharka iska bixiyay ayuu cararay isaga oo qaawan.

James Shaw Jr oo macaamiisha ka mid ahaa ayaa ka hortagay in uu dhiig ba dan sii daato isaga oo qorigii la qabsaday kana qaaday ninkan laga shakisan yahay.

Sawir ay booliisku shaaciyeen ayaa lagu arki karaa Reinking oo qaba maro jeexj eexan iyo xaktimo jirkiisa ka muuqda.

Marka la qabtay waxaa laga helay bis koolad iyo rasaas, sida ay booliisku shee geen. Wuxuu codsaday in qareen loo qa bto, wuxuuna diiday in uu ka jawaabo su' aalihii la waydiiyay.

Baareyaashu wali ma aysan ogaanin sababta ku qaaday toogashada "ma gara nayso sababta uu u bartilmaameedsaday Waffle House" ayuu saxafiyiinta ku yiri Don Aaron oo u hadlay baareyaasha.

Askar lagu qiyaasay 160 ayaa ka qayb qaadatay baadigoobka Reinking kaas oo lagu daray liiska tobanka ruux ee loogu dayday badan yahay gobolkaas.

W/WARFAAFINTA D/GOBOLEEDYADA: NAMA QUSEEYSO NATIIJADA SHIRKA BADQABKA SUXUFIGA EE LASOO XIRAY

Sii hayaha xilka wasiirka wasaara dda warfaafinta Soomaaliya, ahna wa siir kuxigeenka wasaaraddaasi Md/C/ raxmaan iidaan Yoonis ayaa soo xiray shirki looga hadlayay badqabka saxaf iga, kaa oo 2dii maalmood ee u danbe eyay ka socday M/Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen ma dax ka socotay warbaahinta dowliga ah, tan madaxa bannaan, ururrada bu lshada rayidka ah iyo marti sharaf kale ayaa intii uu socday looga dooday arr imo la xiriira sidii suxufiyiinta Soomaali yeed ay si badqab ah ugu gudan laha ayeen waajibaadkooda, loona ilaalin lahaa xuquuqahooda.

Shirka ayaa go’aanadii kazoo ba xay waxaa kamid ahaa dhismaha guddiga qaran ee badqabka suxufiyi inta Soomaaliya, kaa oo ka koobnaan doona ilaa 11 xubnood oo kala kala im aan doona dowladda, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Dhinaca kale, wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka oo iyagu markii hore lagu casuumay shirka ay aa isaga baxay maalintii 1aad ee uu shirku furmay, ayagoo ku eedeeyay wasaaradda warfaafinta DS inay mar in habaabisay shirka islamarkaana ay san muuqan doorkii ay lahaayeen do wlad goboleedyada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland Md. C/nuur Cali Aadan oo la hadlay shabkadda HOL ayaa shee gay in natiijada kasoo baxday shirkaa si aysan quseyn.

"Shirkaasi dhammaan dowlad gobol eedyada way isaga baxeen, natiijada kasoo baxday maahan mid na quseey sa,waxaan cadeeyneynaa in shirkaasi aynan ka qeybgalin oo aynan shaqo ku lahayn waxa kasoo baxay,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD HOR LEH SAMEEYAY

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoosyimaada Magaalada Jowhar.

Fatahaadan ayaa sababtay khasaare soo gaaray dhul beereed baaxadiisa ay weyn tahay, inkastoo la xiray meelihii uu fatahaada ka sameeyay Wabiga ayaa hadana weli waxaa socdo Fatahaado uu Wabiga ka sameynayo Tuulooyinka Bayxaaw, Daymasame iyo Maandheere oo dhammaantood hoosyimaada Magaalada Jowhgar.

"Arrintan waxay bilaabatay Shan maalmood kahor, buq meesha ka baxday ayaa khasaare u geysatay beerrihii meesha ku yaallay oo dhan, biyaha way badnaayeen way sii gudbeen, xaalad aad u adag ayaa ka jirta degaanka.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Fatahadaan ayaa bilaabatay waxyar kadib markii Maamulka iyo degaanka ay ku guuleysteen in ay xiraan biyo shub uu wabiga ka sameeyay gudaha Magaalada Jowhar todobaadkii ina dhaafay.

Fatahaada ugu daran ee khubarada Wabiga Shabeelle ay ka digayaan ayaa ah tan loo yaqaano Buqda Maandheere oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay khasaare xoog leh gaarsiisay degaano ku yaalla Gobolada Shabeelooyinka, sidoo kale Buqda ayaa jartay wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u qorsheynsan tahay dayactir ay ku sameeyaan Wabiyada, waxayna tilmaamtay arrintan in ay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ee mataanaha la ah Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip