Gaari la jiirsiiyay dad lugeynayay magaalada Toronto dalka Canada (Sawiro)

0
Tuesday April 24, 2018 - 07:12:23 in Wararka by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari la jiirsiiyay dad lugeynayay magaalada Toronto dalka Canada (Sawiro)

    Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay 17 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii la jiirsiiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada. Darawalkii waday baabuurka ayaa ka baxsaday goobta uu dadku ku wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay 17 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii la jiirsiiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada. Darawalkii waday baabuurka ayaa ka baxsaday goobta uu dadku ku waxyeeleeyay hase yeeshee waxaa laga soo qabtay meel ka baxsan halka uu dadku ku dhaawacay. Falkan ayaa dhacay xilli ay shaqaale badan qado u soo rawaxeen,mid ka mid ah dadka goobta ku sugnaana waxa uu sheegay in uu darawal waday gaari cad uu si ulakac ah dadka u jiirsiiyay gaariguu kaxeynayay.

Booliska magaalada ugu weyn dalka Canada ayaa markii hore laga soo xigtey in toban ruux ay falkan ku dhaawacmeen hase yeeshee markii dambe ayaa afhayeen u hadlay boolisku sheegay in aan la ogeyn tirada dhabta ah ee waxyeeladu soo gaartay iyo weliba heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacoodu.Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysay dad goobjoogayaal ah ayaa sheegtay in labo meyd ah lagu arkay goobta uu falkan ka dhacay.

Dalka Maraykanka iyo wadamo ku yaal qaarada Yurub ayaa weeraro waxyeelo geystey oo loo adeegsaday baabuur dad lagu jiirsiiyay ay ka dhaceen waxaana ka mid ah weerar ka dhacay bishii 31kii Oktoobar ee sanadkii hore magaalada New York halkaa oo ay ku dhinteen siddeed ruux tiro kalana ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa ka dhacay meel u jirtay 30kms (18 miles) bartamaha magaalada Toronto halkaa oo ay wasiirada arrimaha dibbada wadamada horumaray ee toddobada ah ay ku kulmayeen. Wasiirada kulanka u dhexeeyay ayaa waxa ay ka kala socdeen dalalka Canada, the United States, Britain, France, Germany, Italy iyo Japan. Balse lama sheegin isbedel ku yimid dhinaca ammaanka hotelka uu shirkan ka dhacayay ee Intercontinental Hotel.

Dad la jiitsiiyay baabuur magaalada Toronto



 
 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip