Baasaboorka Somalia Oo Heerkii Ugu Hooseeyay Ka Galay Qiimeynta Baasabooradda Caalamka

0
Monday April 23, 2018 - 23:58:10 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baasaboorka Somalia Oo Heerkii Ugu Hooseeyay Ka Galay Qiimeynta Baasabooradda Caalamka

    Hay'adda Henley & Partners waxay dhawaan soo daabacday Qiimeynta Tayada Baasaboorada Caalamka (Quality of Nationality Index) ee sannadkii hore ee 2017-kii, waxaana Qiimayntaasi lagu soo bandhigay Heerarka iyo Qiimaha mudnaanta ee Baasaboorad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Henley & Partners waxay dhawaan soo daabacday Qiimeynta Tayada Baasaboorada Caalamka (Quality of Nationality Index) ee sannadkii hore ee 2017-kii, waxaana Qiimayntaasi lagu soo bandhigay Heerarka iyo Qiimaha mudnaanta ee Baasabooradda 209-Waddan. Qiimeynta Tayada Baasabooraddaasi waxaa lagu saleeyey 3 arrin oo ay ku jiraan Safarka bilaa Fiisaha (visa-free travel), Awoodda Baasabooradda ee dhinaca Deganaanshaha iyo sida loogu shaqeysan karo dalalka Dibedaha (The capacity to settle and work abroad). Tobanka Waddan ee Qaaradda Europe ee ugu horreeya Qiimeyntaasi ayaa kala ah: Faransiiska, Jarmalka, Iceland, Denmark, Netherland ama Holland, Finland, Talyaaniga, Ireland, Austria iyo Switzerland.

Dhinaca kale, Tobanka Waddan ee Baasabooradooda heerka ugu hooseeya ka galay Qiimeyntaasi ayaa kala ah Somalia, Afganistan, Iraq, South Sudan, Afrikada Dhexe, Syria, Yemen, Eritrea, Burundi, Kongada Dimuqraadiga, Pakistan iyo Ethiopia.

Baasaboorka Djibouti waxa uu galay Kaalinta 155-aad, halka Kenya ka gashay kaalinta 132-aad, Ethiopia kaalinta 158-aad, Uganda kaalinta 140-aad. Burundi kaalinta 160-aad, iyadoo Masar ay gashay kaalinta 135-aad.

Si kastaba ha ahaatee, dalkeenna Somalia waxa uu Qiimeyntaasi ka galay Kalainta 167-aad, mana aha markii ugu horreysay ee Baasaboorka Somalia ka galay Heerka ugu hooseeya ee Qiimeyntaasi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip