Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Caadle oo magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa loogu Magacaabay Jaamac Faarax (Kabaweyne) guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan.
Wareegtada oo ku taariiqeysan 22ka bisha April 2018 ayaa lagu sheegay kadib wadatasho lala yeeshay Bulshada iyo Xildhibaanada Heer federaal ee deegaan doorashadoodu tahay Hir-Shabelle in xilkaas loo Magacaabay Jaamac Faarax (Kabaweyne)
Xilka Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa todobadkii hore waxaa iska casilay Xuseen Cismaan Muumin Garbooy kadib markii uu sheegay in wadatashi uu la sameeyey waxgaradka Beeshiisa xilkaana aysan u qalmin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo wareegtadan soo saaray ayaa ku sugan magaalada Beledweyne isagoo kamid ah wafdi uu horkacayo madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo halkaa u jooga dib u habeyn lagu sameynayo maamulka gobolka Hiiraan.
Maamulka Hirshabelle ayaa dhowaan xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyadoo guddoomiye cusub loo magacaabay.
Halkan ka aqriso Wareegtada lagu magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan