Wasiirka Cadaaladda oo maanta hortagay Baarlamaanka Aqalka Sare

0
Monday April 23, 2018 - 23:38:14 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda oo maanta hortagay Baarlamaanka Aqalka Sare

    Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen oo hortagay,waxaana Kullanka maanta ee Golaha Aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii,isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuq-maasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq-maasuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee la dagaallanka Masuq- maasuqa sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xeerkani ayaa muhiimadiisu waxay tahay la xisaabtanka iyo habsami u Maamulka howsha Qaranka,iyadoo la ilaalinayo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo Hantida Ummadda oo laga dhowro boob iyo ku takrifalka sharci-darada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip