Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda QM+Sawirro

0
Monday April 23, 2018 - 22:40:03 in Wararka by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda QM+Sawirro

    Wafdi ka socda hey'adda Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo agabiyo loo yaqaano WFB ayaa Maanta gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka socda hey'adda Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo agabiyo loo yaqaano WFB ayaa Maanta gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga waxaa hoggaaminayey Lorenza Beka oo ah madaxa WFB ee Soomaliya waxaana garoonka Diyaaradaha dhuusamareeb ku soo dhoweeyey Madaxa hey’addaha gargaarka Galmudug Maxamed Axmad Warsame (Koofi) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen Bakhaaro waaweyn oo keydka Raashinka ee WFB loo dhisayo oo ku yaala duleedka dhuusamareeb iyo Xafiisyo WFB ay gudaha dhuusamareeb ka furatay.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo Wafdiga ka socday WFP aya kulan gaar ah wax ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wada hadleen qorshaha DFP iyo Maamulka Galmudug ay ku wada Shaqeyn karaan

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida ay Shacabka Galmudug u gacan siinayaan,isla markaana wax allaala iyo waxa ay Hay;addu u baahan tahay ay diyaar la’yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Galmudug kana Daawo Sawirrada.

Audio Player

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip