Mo Faarax oo maanta ka qayb galaya Marathon-ka London

0
Sunday April 22, 2018 - 17:44:34 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Faarax oo maanta ka qayb galaya Marathon-ka London

    Tartanka Marathon-ka London ee sannadkan ayaa waxa uu qabsoomayaa maanta oo cimilda London tahay tii ugu kululayd ee uu ku beegmo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka Marathon-ka London ee sannadkan ayaa waxa uu qabsoomayaa maanta oo cimilda London tahay tii ugu kululayd ee uu ku beegmo.

Tartamayaaha ayaa waxa loogu digay in ay taxaddar yeeshaan maadaama la filayo in heer kulka magaalado gaadho ilaa 23C.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Ingiriiska ayaa sheegay in iyadoo heer kulku uu intaa yahay haddana huurka jira awgii iyo laamiga ay ku ordayaan ciyaartoygu awgeed ay dareemi karaan in heer kulku ka sarreeyo 23C.

Orodyahannada ka qayb galaya tartanka maanta dhacaya waxa ka mid ah orodyahanka caanka ah ee Ingiriiska ah ee afarta goor horyaalka tartammada heerka dhexe, waa Maxamed Faarax , oo la filayo in shacabka reer London aad ugu sacabbo tumi doonaan.

Maxamed Faarax oo ka hadlay ayaa waxa uu yiri "run ahaantii sannadkan si ka duwan kii 2014-kii ayaan u diyaar garoobay, sannadkaa markaan tartanka Marathon-ka ka qayb galayey waxaan ika fikirayey sidii aan tamartu iiga dhamaan oo { waan is hayey} laakiin sannadkan hawsha adag waan u diyaar garoobayā€¯.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip