Waa Kuwee Sadexda Kulan Ee Van Gaal Loo Qabtay Inuu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa Man United, Maxayse Taariikhdu Ka Leedahay Man United Vs Kooxahaas

0
Tuesday December 22, 2015 - 15:50:40 in Sports News by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee Sadexda Kulan Ee Van Gaal Loo Qabtay Inuu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa Man United, Maxayse Taariikhdu Ka Leedahay Man United Vs Kooxahaas

    Kadib markii ay kooxdiisu ku guuldareysatay iney wax guul ah gaarto lixdii kulan ee la soo dhaafay, waxaa sii kordaya cadaadiska saaran macalin Louis van Gaaloo uu badalka ku sugayo Jose Mourinho oo sida saxaafada qaar ay saakay qoreyso Sir Alex Ferg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii ay kooxdiisu ku guuldareysatay iney wax guul ah gaarto lixdii kulan ee la soo dhaafay, waxaa sii kordaya cadaadiska saaran macalin Louis van Gaaloo uu badalka ku sugayo Jose Mourinho oo sida saxaafada qaar ay saakay qoreyso Sir Alex Ferguson iyo David Gill la xiriireen wakaaladiisa una sheegeen inuusan u dhaqaaqin Real Madrid ama koox kale, sidoo kale Sir-ka ayaa la sheegayaa inuu waji-ka-waji ula hadlay Jose.

Hadaba kooxda Manchester ayaa la sheegayaa iney 10 maalmood oo fursad ah siisay macalin Van Gaal waxaana loo qabtay in sadexda kulan ee ugu soo horeysa uu natiijada iyo qaab ciyaareedka kooxda wax ka badalo, hadaba waa kuwee sadexdaasi kulan ?
Stoke Vs Man United

Stoke City aya dhib ku qabta kulamada ay ku ciyaareyso guirgooda xili ciyaareedkaan laakin kooxaha waa wey casharo ayeey ugu soo dhigeen, waxaa ilaa haatan booqday Chelsea iyo waliba Manchester City waxayna labadaba dhabta ugu soo shubeen in dhbaato ah oo ku filan.

Laakin waxay dhib ku qabaan iyagana kooxda United, kaliya hal guul ayeey ka qaateen 14 kuu kulan ee ugu dabeeyay ee ay wajahaan horyalka Premier League (1 guul, 2 barbaro 11 guuldaro).

Lakin dhawaanahaan danbe dhinac ayeey isaga taageen dhibtaasi, kaliya hal guuldaro ayey kala kulmeen United afartii kulan ee u danbeysay ee ay ku kulmeen Britannia Stadium (1guul, 2 barbaro iyo hal guuldaro) – xili ciyaareedki hore Radamel Falcao ayaa ka dhaliyay goolka barbaraha ah xili ay ciyaarta ku dhamaatay 1-1.

Rajada |Man Utd waxay guuleysatay 18 kamid ah 19 ee ugu danbeeyay ee ay ciyaarto maalinta Boxing Day – waana guulo gaaraya boqolkiiba 94!

Chelsea Vs Man United

Chelsea ayaa cadeysy iney qiyaanee Jose kulankii Sunderland kadib qaab ciyaareed aad u fiicnaa oo ay soo bandhigeen, laakin wali waxaa muuqata iney meelaha qaar ka jilcan yihiin, marka la eego kulankii ugu danbeeyay ee Old Trafford ka dhexmara sanadkii hore labada kooxood United ayaa u baahay gargaar daqiiqadii 96ad ee waqtigii dheeriga markaasoo Robin van Persie uu isu badlay Robin Van Save halka Stamford Bridge lagu soo garaacay wiilasha Van Gaal oo xiligaa duulayay.

Xaqiiqdii, Chelsea ayaa ah kooxda dhibta ugu badan ku heysa United marka la eego kooxaha waa weyn ee Premier League sadex guul ayeeyna ka qaateen shantii kulan ee u danbeysay ee ay is wajahaan halka labo barbaro ay raacee.

Rajada Van Gaal |Man Utd ayaa shabaq nadiif ah garoonka kala baxday kulamadii ugu danbeeyay ee sanadihii 2012, 2013 iyo 2014.

Swansea VS Man United

Kooxda loo saadilanayo inwey shaqada ka ceyrin doonto Van gaal, waliba iney gurigiisa ku gaarci doonaan, taasi ma ahan ceebtooda ee waa caadooda, sadex kulan oo ay minin iyo martiba kaga horyimaadeen Van Gaal hore iyo gadaalba waa ay u gaarceen inkastoo uu haatan ka tagay Gary Monk oo Van Gaal uu ugu codeeyay macalinkii ugu fiicnaa Epl sanadii hore.

Sidoo kale Swansea ayaa afar kamid ah shantii kulan ee u danbeysay ee labada koox guulo gaartay, sadex kamid ah waxay gulo ku gaareen Old Trafford, laakin Swansea ayaa qudheeda ayaa sagaal guuldaro kula soo kulanta masraxa riyooyinka 12 kii sano ee la soo dhaafay.

Hadaba aqristow, kooxdee ayaad isleedahay sabab ayeey u noqon doontaa shaqa ka ceyrinta Van Gaal, mise wuu ka adkaan doonaa shaqadiisa oo sadexdaan kooxba wuu graaci doonaa ?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip