Daily Mail+ Daily Star: Van Gaal Oo Hadal Qiiro Leh Ka Jeediyay Kulankii Qadada Ahaa Ee Ay Kooxda Man United Isugu Timid Shalay, Muxuu Codsaday ?
Macalinka cadaadisak badan saaran yahay ee Van Gaal ayaa qudbad layaab leh oo uu isku dayayay inuu taageero uga helo ciyartooydisa iyo maamulka kooxdiisa ka jeediyay qadadii Christmas-ka ee ay kooxdiisa isugu timid shalay galab.
Daily Mail iyo Daily Star oo labadaba soo kala
xiganaya ilo ka tirsan Old Trafford macalinka ree Holland ayaa u sheegay
ciyaartooyda kooxdiisa iney is dhiiro galiyaan oo aay aaminaan iney
yihiin wiilashii qaab ciyaareedk fiican ku bilowda horyaalka laakin uu
haatan nasiibka ka hiiliyay.
Star ayaa tiri "Waxaa la fahansan yahay in dad ka badan 200 ay u sacab tumeen Van Gaal markii uu hadal layaab leh jeediyay ka hor intii uusan fariisan".
Inkastoo aan la soo wada tbin hadalka layaabka leh hadana Van Gaal ayaa dadkii qadada isugu yimid ku yiri "Waxaan nahayManchester Unitedwaana badbaadi doonaa lakin waa inaan wadajir ahaanaa oo aan garbaha isqabsanaa"
Laakin Daily Mail ayaa sheegeysa iney ciyartooyda kooxda lahjad u gaar ah ay sameysteen si ay isugu sharaxaan waxa ay doonayaan iney ka hadlaan maadaama uu yaqaano ingiriiska iyo Spainshka oo aan lagu xaman karin.