Deg Deg:Tababaraha Arsenal Arsene Wenger oo Shaaciyay inuu Ka Tagayo Arsenal dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan.

0
Friday April 20, 2018 - 20:08:58 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:Tababaraha Arsenal Arsene Wenger oo Shaaciyay inuu Ka Tagayo Arsenal dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan.

    Arsee Wenger Tababaraha kooxda Arsenal ayaa shaaciyay inuu iska casili doono xilka tababarenimo ee Gunners Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsee Wenger Tababaraha kooxda Arsenal ayaa shaaciyay inuu iska casili doono xilka tababarenimo ee Gunners Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan.

Tababare Wenger waxaa saarnaa cadaadis ba’an muddo sanado ah maadama uu ku fashilay inuu kooxda guulo la taaban karo gaarsiiyo.

Ugu dambayn wuxuu goostay Wenger inuu si rasmi uga tago kooxda uu in ka badan 20-ka sano majaraha u hayey.

Hadaba Warbixintii Arsene Wenger uu soo saaray maanta waa Tan:

"Kaddib qiimyn badan iyo wadaxaajood aan la sameeyey kooxda, waxaan dareemayaa in ay tahay waqtigii saxda ahaa ee aan aniga ku fariisan lahaa dhammaadka ol’olahan.

"Waan ka mahadcelinayaa helidda sharafta ah in aan sanado badan oo xusuus leh u shaqeeyo kooxda.

"Waxaan kooxdan ku maamulay ka go’naansho buuxda iyo sharaf.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo shaqaalaha, ciyaaryahanada, agaasimeyaasha iyo taageereyaasha kooxdan cajiibka ah.

"Waxaan ugu baaqayaa taageereyaasha inay garab istaagaan kooxda si ay meeqaam sare xilli ciyaareedkan ku dhammeysato.

"Dhammaan mucaashaqiinta Arsenal ilaaliya dhaqanka kooxda.

"Waad haysataan kalgacalkeyga iyo taageereadeyda mar walba.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip