Waa Kuma Weeraryahanka 35 Milyan Kula Soo Wareegeyso Arsenal Suuqa Xagaaga ?

0
Thursday April 19, 2018 - 21:14:34 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Weeraryahanka 35 Milyan Kula Soo Wareegeyso Arsenal Suuqa Xagaaga ?

    Sida Daily Star shaaca ka qaaday Arsenal ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema, Waxayna doonayaan inay ku qarashgareeyaan saxiixiisa 35 milyan oo ginni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida Daily Star shaaca ka qaaday Arsenal ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema, Waxayna doonayaan inay ku qarashgareeyaan saxiixiisa 35 milyan oo ginni.

Karim Benzema oo ku sugan Real Madrid muddo 10 sanno ah, waxa uu saftay in kabadan 400 kulan tan iyo markii uu ka yimid Lyon 2009kii.

Benzema ayaa dhaliyay 190 gool, isagoo ku guuleystay 15 koob waqtigiisa Real Madrid oo ku eg sannadka 2021ka.


Xiddiga Faransiiska kasoo jeeda ayaa haatan dhaleceyn kala kulmaya taageerayaasha Real Madrid oo dhowr jeer ku qeyliyay.

Benzema ayaa ku dhibtoonaya xilli ciyaareedkan kooxda Real Madrid, isagoo dhaliyay kaliya 9 gool 39 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Arsenal ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahankaan dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana wararka xanta ah ay sheegayaan in 35 milyan oo ginni xagagaan kula wareegi karto.

Maadaxweyne Florentino Perez ayaa doonaya lacag intaas ka badan haddii Arsenal ay doonayaan saxiixa weeraryahanka reer France Karim Benzema.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip