Halyeeyga Ac Milan Ee Ricardo Kaka Oo Ka Hadlay Go,aankii Uu Ugu Biiray Real Madrid

0
Thursday April 19, 2018 - 08:29:50 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeeyga Ac Milan Ee Ricardo Kaka Oo Ka Hadlay Go,aankii Uu Ugu Biiray Real Madrid

    Xiddigii hore ee kooxaha Ac Milan iyo Real Madrid ee Ricardo Kaka ayaa ka hadlay go,aankii uu kaga tagay kooxda Ac Milan uguna biiray kooxda Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigii hore ee kooxaha Ac Milan iyo Real Madrid ee Ricardo Kaka ayaa ka hadlay go,aankii uu kaga tagay kooxda Ac Milan uguna biiray kooxda Real Madrid.


Halyeeyga kooxda AC Milan ee Ricardo Kaka ayaa qiray go,aankii uu ugu biiray kooxda Real Madrid ahaa mid gabi ahaanba khaldan.

Kaka oo haatan ah 35 jir ayaa ku biiray kooxda Real Madrid markii uu kooxda hogaaminayay Jose Mourinho isaga oo ugu biiray lacag dhan 67 milyan.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiiray Real Madrid isaga oo Ac Milan u saftay kulamo ku dhaw 200 intii u dhexaysay 2003 ilaa 2009 isaga oo kula guulaystay hal horyaalk iyo waliba hal champions League.

Waragaysi uu Kaka siiyay wargayska reer Brazil ee UOL ayuu yiri”Sanadkii 2009 waxa aan aqbalay dalab iiga yimid Real Madrid laakiin markii aan u dhaqaaqay gabi ahaan waan bur-buray”.

"Gabi ahaan waan lumay, Italy cid walba way i jeclayd laakiin cid walba oo joogtay Spain waxa ay doonayeen in aan boxo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip