Xulkeena oo wajahaya Kenya oo dhiiri gelin ka helay safiirkooda halka Soomaaliya aysan wali helin safiir u yimaada ( Ameeriko oo la tabay)

0
Wednesday April 18, 2018 - 09:00:14 in Wararka by
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulkeena oo wajahaya Kenya oo dhiiri gelin ka helay safiirkooda halka Soomaaliya aysan wali helin safiir u yimaada ( Ameeriko oo la tabay)

    Wiilasha Qarankeenna ayaa wacdara ka dhigaya tartanka 17 jirada ee CECAFA kaa soo ka soconaya dalka Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilasha Qarankeenna ayaa wacdara ka dhigaya tartanka 17 jirada ee CECAFA kaa soo ka soconaya dalka Burundi.

Ciyaartooyda ayaa difaacaya calanka Soomaaliya, iyagoo hal lug la galay wareegga Sami Finalka tartankaan.

Xulka qaranka Soomaaliya ee U 17 waxay cayaarta xigta la leeyihiin dhigooda Kenya 20-ka bishaan. Ciyaartoyda Kenya waxaa la kulmay oo dhiiri gelin u sameeyay safiirkooda fadhiya Burundi laakin wiilasha yar yar ee Soomaaliya wali safiir u yimaada ma hayaan si ay u helaan mid la mida dhiiri gelinta ay heleen dadka ay la dagaalami doonaan iyagoo qaranka matalaya.

Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirkii dalkeena u fadhiyay Kenya ayaa si wayn loo tabay mahadaama uu ahaa shaqsiga kaliya ee dhiira galinayay ciyaartooyda qarankeena.

Ameeriko ayaa ciyaartooyda qaranka ku booqday dhowr wadan oo ay ciyaar ku lahaayen, yeelkeedee iminka ma jirto masuul iminka isku xil qaamay dhiira gallinta xiddigaheena.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa guruub-ka wada jir u hogaaminaya waxa ayna leeyihiin min 4 dhibcood.



W/D:Mahad Shariif Jilacoow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip