Qof Somaliya ma ahay? Qaran ma ahay?=Faallo=

0
Tuesday April 17, 2018 - 10:33:11 in Wararka by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Somaliya ma ahay? Qaran ma ahay?=Faallo=

    Tuulada aan ku dhashay dadka maanta ku nool ma Soomaaliyaa? In ka badan 99.9% ma qabaan ID ( warqadda Aqoonsiga). Qofku waxa uu Somali ku yahay in uu yahay ina Hebel –Hebel, oo ah Reer hebel –kana sii ah reer hebel, kana sii ah Somali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuulada aan ku dhashay dadka maanta ku nool ma Soomaaliyaa? In ka badan 99.9% ma qabaan ID ( warqadda Aqoonsiga). Qofku waxa uu Somali ku yahay in uu yahay ina Hebel –Hebel, oo ah Reer hebel –kana sii ah reer hebel, kana sii ah Somali.

Muddo laga joogo 150 sanno Somaliya waxaa yimid: Jhon, James, Dogama iyo Roberto, oo kala ah: Ingriis, Faransiis, Bortaqiis iyo Talyaani, annagu waxaan u wada arkeeynay Gaalo cad cad, laakin iyagu waxa ay lahaayeen Dokumenti loo yaqiin ID oo ay isku aqoonsadaan, dalkeena waxa ay soo galeen VISA la’aan, weyna na isticmaarsadeen,( fiiri sawirka 1aad) kadibna waan iska xoreynay.

Cajiib, Cajiib. Maantana 150 sanno kadib waxaa XALANE jooga ilmihii ay Dhaleen: Jhon, James, Dogama iyo Roberto, VISA-na lagama rabo, waxa ay isaga soo galeen sidii Awoowa yaashoo, laakin adiga waxa ay kaa rabaan Visa & ID si loo cadeeyo Jinsiyadaada iyo Sababta aad dalkooda u joogto.( fiiri Sawirka 2aad).

Waxaa la socda Somali madmadoow oo wata ID-yadooda, kalana raacsan wadamadaa, ayna isku aqoonsan yihiin dad isku dal ah. Laakin kuwan madmadoobi Somaliya Document kama heeystaan, waa wada ina hebel hebel oo reer hebel ah, ma adigaaba ka hadli kara, waxa ay la socdaan qaraabadooda reer galbeedka ah, oo iyaga fursado gaar ah siinaya. Shalay haddii mid cadi dusha naga saarnaa maanta mid Madoow oo Somali ah ayaa dusha naga saran ( fiiri Sawirka 3aad). Qabyaaladda kale ee XALANE waa AMISOM 90% waxa ay shaqada Hoose siiyaan Somalida u eg ( Haddad been u qabto berri 7: am tag irida Madino Gate ee Xalane). Waaba ku mahadsan yihiin haddiba ay shaqa siinayaan Somali aan ID-gooda wadan, ileyn saamigii ay ku lahaayeen Qaranka ayaa Qabiil ahaan loogu diiday, Allaah ayaa meel kale ka irsaaqay walaalkii aan qadinay.

Ha hilmaamin sidii ay nagu soo galeen Gumeystayaashu, Aabayaashii Jhon, James ,Dogama iyo Roberto ayaa qabiil qabiil heshiis ula galeen Somalida 150 sanno ka hor. (( hadda ka hor waxaan idiin soo qoray in kabadan 10 qabiil oo heshiis la gashay, copy-gii heshiiskana waan idiin kugu soo lifaaqay)). Maantana ilmahoodii Jhon, James, Dogama iyo Roberto ayaa isticmaalaya jidkii Aabayaashood, oo naga dhigay Federaal qabiil ah, kadibna heshiis la galaya qabiil kasta, iyaga oo diidan dowlad dhexe oo somaali ka dhexeeysa in ay heshiis la galaan, waxaana maanta u saxiixaya ilmihii ay siiyiin ID –yadooda. Xattaa ururda caalamiga ah ee aan dowliga aheeyn ayaa iyaguna habkaa isticmaala, si deeqaha magaceena lagu soo qaado ay uga faa’iidaan wadama aan deris nahay ( fiiri sawirka 4aad). waa un sidii uu isticmaarku nagu soo galay, heshiis qabiil lala galo,waxaa lagu badelay heshiis lala galo maamul qabiil/gobaleed, Duub dhaqamedkii saxiixayayna waxaa lagu bedelay madaxweyne gobaleed, iyo kuwa heer Qaran ah oo wata ID-gooda .

Gobaladda qaar ayaa lagu yiri: waxaan idiin soo dirsaneeynaa Safiir, ma ahan Safiir ee waa wakiilkii Mustacmaradda oo magacii loo bedelay, annaguna waxaan u direynaa mid wata ID-gooda oo ay aamin sanyihiin.

Marna lama ogola dowlad xoog leh oo Somali oo dhan mideysa, Iyaga iyo ilmahooda madmadoobi waxa ay heystaan ID muujinaya in xiriir ka dhexeeyo, annaga nalooma ogola ID –muujinaya Somalinimadeyna. Hore waxaan u lahaan jirnay ID Somali ah oo aan dheceeyn. Maanta, Dadka yar ee heysta ID-ga Somali ah ayaan ka mid ahay ,waxaan heysanaa ID waqtigiisu dhacayo (Expire), wuxuuna iga dhacayaa 7/Sep/2020. waqtigaa kadib Somali ma ihi miyaa?. Madaxdeyda ID-ga dhacayo dhib kuma hayo ileyn iyagu waxa ay wataan ID- Ajnabi oo aan dheceeyn.

Walaalkeyga madoow ee ID-ga Ajnabiga watoow, ha u maleeyn in aan ku fiirayo, aniga agteeyda waxaad ka tahay ina hebel hebel oo reer hebel ah kana sii ah walaalkeey/walaashey somaliya, laakin qaarkiin ( kuligiin ma ahan) sidaan ha isku dhaameen, hana ogaadeen in ID-ga Ajnabiga ku siiyay uuna marna kuu aqoonsaneyn muwaadin leh xaq la siman kiisa.

Horta Anigu qof somaliya ma ahay? Ma leeyahay Qaran madax banana? Waa in aan gaar siinaa jawaabta HAA ,Haa, waxaan wada nahay Somali mid ah.

Fiiri mar kasta dooda u dhexeysa siyaasiyiintu, waxa ay ku saleysan tahay Qof ama Qabiil, laakin kuma saleysna Aragti & Mabaadii’ wax lagu dhisayo.

FG: waa aragti shakhsi, duquna waa khaldami karaa. Ha u qaadan in aan faquuqayo walaalaha wata ID-ga Ajnabiga, waan ogahay in ay jirto dan badankiina ku qasabtay in ay qaataan, iyo rafaadka aad u marten( fiiri sawirka 5aad), laakin adiguna ha hilmaamin in aad tahay Somali walaalkeey/ walaashey ah, dhibka aniga iyo adigaba ay nala damacsanyihiin ilma Jhon, James, Dogama iyo Roberto aan iska wada fiirino. wixii qaldan ka sax, dhaliil, wixii ka dhiman ku dar, arragtidaadu waa noo muhim,si aan u noqono Qaran jira.

Alloow, Somali Badbaadi ( fiiri sawirka 6aad) , oo hal calan ku mideey ( fiiri sawirka 7aad). Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip