Jimcihii Murtida Sakhraamiinta.=Nasashada Jimcaha.Q-91aad.=

0
Sunday April 15, 2018 - 09:08:26 in Wararka by
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jimcihii Murtida Sakhraamiinta.=Nasashada Jimcaha.Q-91aad.=

    1-Saddax nin oo wada sakhraan ahaa, ayaa hamigooda ka hadlayay. Cumar ayaa yiri: Haddii aan caawa lacag heysan lahaa, dunida barkeed ayaan soo gadan lahaa. Xussen ayaa yiri: Aniguna haddaan lacag heeysan lahaa barka kaa haray ayaan oo gadan lahaa. Fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Saddax nin oo wada sakhraan ahaa, ayaa hamigooda ka hadlayay. Cumar ayaa yiri: Haddii aan caawa lacag heysan lahaa, dunida barkeed ayaan soo gadan lahaa. Xussen ayaa yiri: Aniguna haddaan lacag heeysan lahaa barka kaa haray ayaan oo gadan lahaa. Faarax ayaa yiri: Haye,haye, wallee caawa labadiinuba war baad keenteen!!!!. in aad waalantihiin, dunidu in ay iib iga tahay qofkee idiin sheegay, haddaba ogaada iskama iibinayo, Been ayuu idiin sheegay kaasi, kaba idinka weyn ayaad gashateen. Fiiri Sawirka 1aad.

acebook

2-Nin sakhraan ah ayaa lagu yiri: Haddii subaxii aad soo toostid adiga oo mayd ah oo aad aragto, Hantidaadii oo la boobayo iyo Xaaskaagii oo nin kale ag fadhiyo, maxaad sameyn laheyd?. Inta qoslay ayuu yiri: baa’ waanba waalan lahaa.( kuwa ku riyoonaya in ay somaliya iibsadaan, yaa u sheegay in uu dalku iib naga yahay?!!,iib ma ahan hala wada ogaado).

( Siyaasi ayaa lagu yiri: Haddii muddada aad xilka hayso ey kaa dhamaato,ee aad ogaato in ay Kenya Baddii qaadatay, dekadihiina lala wareegay, xuduudihiina soo yaraadeen maxaad sameeyn laheed?. Wuxuu yiri: waxaan dhihi lahaa muddada haleey kordhiyo , waqtigana dib ha la iigu celiyo, si aan u soo celiyo waxa naga maqan). Fiiri Sawirka 2aad.

3-Laba Carab oo sakhraan ah ayaa Guriga ugu dheer magaalada oo 100 dabaq ah dusha ka istaagay, dhulka ayey hoos u soo fiiriyeen. Moxamed ayaa yiri: haddii aan halkaan iska tuurno, goormeen dhulka gaareeynaa?. Xassan ayaa yiri: Saddax maalmood kadib. Maxamed ayaa yiri: Ma kula tahay in aan dhimaneeyno?. Xassan ayaa yiri: waa la hubaa in aan dhimaneeyno, Saddax maalmood oo cunto iyo cabbid la’aan ah miyaan noolaan karnaa. Fiiri sawirka 3aad.

(Nin ayaa Xisbi siyaasadeed diiwaan gashaday, isaga oo aaminsan in saddax Sanno kadib somaliya gees ka gees ay ka dhici doonto dooraho hal qof hal cod ah, maka daacadaa?. Maxaadse kula talin laheyd?).

4-Naag ayaa iyada oo uu ag fadhiyo Nin Sakhraan ah dhuuso ka fakatay. Waxay is tiri, bal in ninkan sakhraankaa uu ku dareemay iyo in kale, kala hubso. Daruuraha ayeey fiirisay, markaa ayey ku tiri: Faaraxoow, maanta bal jawiga ka waran,soow ma qurxoona?. Wuxuu ku yiri: Haddii arrintu sidan ku sii socoto, Xaar ayaa noo di’i doono. Fiiri sawirka 4& 5aad.

( Gabar ka tirsaneyd ciyaalka xaafadda Boondheere oo ay u wada han weynayeen, ballanna ay ku lahaayeen, in xaafadda ka banaanka aynan ka guursan, ayaa waxaa aroosay nin hantiile ah oo dibadda ka yimid, waxa ay goosteen in aynan ka qayb gali sagootinta aroosadda. Waxaa la yiri: Maxaad ku diideen?. Waxa ay yiraahdeen Gabadhu waa na Jawaariyeeysay. Kadibna Jawaariyeeyntu waxa ay noqotay hal kudhag loo isticmaalo qof kasta oo reer Boondheere ah loo hanweynaa oo isbedela. "Siyaasadda somalidu haddii ay sidaan ku sii socoto waa nuucee roobka aan sugeyno in uu noo da’o?”).



5- Nin Cabtooy ah ayaa saaxiibkii ku Yiri: Maxaa gacanta kaaga dhacay,ma shil Gaari miyaad gashay?. Waxa uu yiri: Maya ee Geed Yaanyo ayaan ka soo Dhacay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Doqon , maxaad laan adag u qabsan weyday. Fiiri saw 6aad.

( Xildhibaan Mooshin looga raayay ,ayaa saaxiibkii ku yiri: Maanta waad murugeysan tahay ee maxaa kugu dhacay? Wuxuu yiri: koo doqon ah ayaa Codkiisii dhinaca kale siiyay, Nus Cod kaliya ayeeyna nooga badiyeen, kii kale ayaa yiri: Doqon, maxaad VITO u isticmaali weyday?).

6-Laba nin oo cabtooy ah ayaa kala tagayay. Cabdi ayaa yiri: Xageed u socotaa?. Cali ayaa ku jawaabay: MA OGi, ee adigu xageed u socotaa?. Cabdi ayaa yiri: Aniguba MA OGI. Cali ayaa yiri: oo isku jid ayaan ku soconaa ee maan is weheshano, oo MA OGI aan wada aadno.fiiri sawirka 7 & 8aad.

( Ar Somaaliyeey, armaan war moog nahay oo MA OGI aan u wada soconaa?).

Qore: Yahye Caamir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip