Liverpool oo go'aan ka gaartay xaalada Mohamed Salah- Miyuu Seegayaa Kulanka Caawa ?

0
Tuesday April 10, 2018 - 21:23:33 in Wararka by
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo go'aan ka gaartay xaalada Mohamed Salah- Miyuu Seegayaa Kulanka Caawa ?

    Liverpool ayaa heli doonta saacado ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta Manchester City aqbaarta ugu dambeysa ee xaalada caafimaad ee Mohamed Salah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa heli doonta saacado ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta Manchester City aqbaarta ugu dambeysa ee xaalada caafimaad ee Mohamed Salah.

Salah ayaa loo badinayaa inuu seego kulanka lugta labaad ee wareega 8da Champions League kooxdiisa ku wajaheyso Manchester City.
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuusan weli hubin inta uu la egyahay dhaawiciisa kadib markii laga saaray kulankii lugta hore kooxdiisa 3-0 kaga badisay Manchester City.


Salah ayaa tababar yar ku sameeyay xerada Melwood, laakiin Klopp ayaa sheegay in Reds ay sugi doonto ilaa saacadaha ugu dambeyay si loo hubiyo xaalada ciyaaryahanka.
Klopp ayaa yiri” ma hubo boqolkiiba boqol inuu ciyaari karo ama maqnaan karo.” Wuxuu shalay qaatay tababar fudud.
"5-ta galabnimo waxaan ku tababareynaa Melwood waxaana arki doonaa haddii uu naga mid noqdo.
Salah ayaa goolka furitaanka dhaliyay ciyaartii Anfield, laakiin waxaa laga saaray qeybtii labaad ka dib markii uu soo gaaray dhaawac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip