Maxaa ka naqaanaa Max'ed Sh, Cusmaan Jawaari….!?

0
Tuesday April 10, 2018 - 15:22:47 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka naqaanaa Max'ed Sh, Cusmaan Jawaari….!?

    Max'ed Sh, Cusmaan Jawaari waxaa uu ku dhashay degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose 7 bishii December sanadkii 1945. Marki uu dhameeyay waxbarashadda dugsiga sare waxaa uu haddana ka baxay jaamacadda Ummadda oo uu ka bartay cilmiga sharciga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'ed Sh, Cusmaan Jawaari waxaa uu ku dhashay degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose 7 bishii December sanadkii 1945. Marki uu dhameeyay waxbarashadda dugsiga sare waxaa uu haddana ka baxay jaamacadda Ummadda oo uu ka bartay cilmiga sharciga.
Jawaari oo 73 jir ah waa siyaasi waqti dheer ku dhex jiray siyaasadda Soomaaliya.

Marka dib loogu laabtay dawladii kacaanka waxaa uu kasoo qabtay xilal kala duwan sida wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo cayaaraha xukuumaddii kacaanka.

Markii uu dalku galay dagaalkii sokeeye Jawaari waxaa uu ka mid ahaa Soomaalida faraha badan ee qurbaha u qaxay.

Dalka Norway ayuu dagay waxaana uu dalka kusoo noqday wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 markaasoo uu madax u ahaa guddiga diyaarinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii August sanadkii 2012 ayaa loo doortay gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya mar kalena sanadkii hore ee 2017 ayuu noqday gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya.

Waa aqoonyahan lagu xasuusto go’aano taariikhi ah oo ay gaareen xildhibaanadda baarlamaanka 9,aad iyo kan 10,aad ee hadda shaqeeya.

Xildhibanaada baarlamaanka ayaa bishii Marso ee sanadkaan ka keenay Jawaari mooshin kalsooni kala noqosho ah kadib markii ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan.



Mooshinkaas oo in muddo ah jiray wuxuu aad u sameeyay hawlihii dawlada iyo isqab qabsi siyaasadeed oo aad loo dareemay.

Waxaa uu ku hadlaan luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Afka Norway.

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip