Harry Kane oo markii ugu horreysay ka hadlay Tartanka Gooldhalinta Mohammed Salah iyo haddii la soo qaban karo

0
Monday April 09, 2018 - 10:21:21 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harry Kane oo markii ugu horreysay ka hadlay Tartanka Gooldhalinta Mohammed Salah iyo haddii la soo qaban karo

    Weeraryahanka Tottenham Harry Kane ayaa kalsooni ku qaba inuu kula tartami karo abaalmariinta kabta dahabka ee gooldhaointa Ingiriiska xiddiga Liverpool Mohamed Salah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane ayaa kalsooni ku qaba inuu kula tartami karo abaalmariinta kabta dahabka ee gooldhaointa Ingiriiska xiddiga Liverpool Mohamed Salah.

Kane ayaa ku tartamaya abaalmarintaan sannadkii sadexaad oo xiriir ah, laakiin wuxuu shan gool ka dambeeyaa xiddiga Liverool Mohamed Salah.

Weeraryahanka Spurs ayaa dhawaac ku maqnaa djowr toddobaad, waxaana uu heystaa lix kulan oo dheeraad ah, halka xiddiga Reds kaliya shan uu heysto.

Harry Kane ayaa ku qanacsan awooda Salah uu kula dagaalami karo abaalmarinta dhaliyaha ugu sarreeya Premier League.

"Weli waxaan aaminsanahay inaan awoodo tartan,” ayuu yiri xiddiga reer England. "Bal fiirso maxaa dhacaya? weli waxaa socda ciyaaraha, waa inaan diirada saaraa ciyaar kasta.

"Sida iska cad weeraryahan ahaan waxaan jeclahay inaan markale ku guuleysto abaalmarinta Golden Boot-ka, waxaan sii wadi doonaa inaan si dhaqso ah u tartamo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Kane ayaa ku fashilmay inuu shaqabaqa soo taabto kulankii Stoke ee sabtida, inkastoo goolhayaha Potters Jack Butland fursado badan ka badbaadiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip