Afarta Xuduudood ee Somaliya & Kenya.

0
Sunday April 08, 2018 - 21:06:51 in Wararka by
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afarta Xuduudood ee Somaliya & Kenya.

    Xuduuda: 1aad. Waa tan maanta ay Kenya nagu soo durjisay, oo ah Xagal ka soo bilaabanee Balad Xaawo, haddii aad fiiriso cilmiga Geometry-ga, xagal yar oo 10 degree ah, mar kasta oo aay sii fogaato waxaa sii fidaya baaxadda u dhaxeysa laba Xariiqtin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuduuda: 1aad. Waa tan maanta ay Kenya nagu soo durjisay, oo ah Xagal ka soo bilaabanee Balad Xaawo, haddii aad fiiriso cilmiga Geometry-ga, xagal yar oo 10 degree ah, mar kasta oo aay sii fogaato waxaa sii fidaya baaxadda u dhaxeysa laba Xariiqtin "Line" ee salka isku haya.( fiiri Sawirka 1 & 2aad).

 

Xuduuda: 2aad.

 

Waa tii isticmaarka Ingriiska iyo talyaanigu sanndkii 1925tii ku kala qaybsadeen Ex- British Juba land oo qayb Juba land ah la siiyay Talyaaniga iyada oo loogu Abaal gudayo doorkii uu ka qaatay Dagaalkii 1aad ee aduunka,Qaybtii kale ee British Jubalandna ay ku hartay gacanta Ingriiska. ( FM: Qoraal hore ayaan ku faahfaahiyay). Waxaana ka abuurmay xuduudii nalagu soo wareejiyay 1960kii.( fiiri sawirka 3aad).

 

Xuduuda: 3aad.

 

Qaybtii Ingriisku la haray ee sanadkii1963dii uu ku wareejiyay dowladii cusbeed ee Kenya oo markaa xuriyadda qaadatay loona yaqiin NFD. Qoraaladii hore ayaan uga hadalnay in go’aankii ka soo baxay shirkii Caruusha uu ahaa ,MoA is afgarad ee uuna aheeyn heshiis, intii aanan Baarlamaanka la horgeeyn ayaa Kacaan dhashay, Kacaankiina waxa uu sharciyeeyay in Go’aankaasi buray,NFD oo ingriisku u yaqiin Moyaale ilaa Milindina ay tahay dhul Somaliyeed oo aanan laga gorgortami Karin. ( fiiri Sawirka 4aad).

 

Xuduuda: 4aad.

 

Jan. Xussein Kulmiye Afrax, ayaa nagu yiri: Aniga oo ah madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha, iyo Daniel Arap Moi oo ahaa markaa madaxweyne ku xigeenkii Jomo Kenyatta ayaan Nairobi ku kulanay ,si looga hadalo khilaaf ku saansan NFD kadib markii Kenya uu handaday Jan. Maxamed Siyaad. Md. Arab Moi ayaan ku iri: Adigu NFD ayaad ka hadlee annigu muddo dheer ayaan dalkaan kenya joogi jiray, Afka sawaaxiligana waan aqaan. Ma ogtahay in ay Magaalada Mombasa ay ku yaaliin 7 calaamadood oo muujinee in ay somalidu leedahay iyo goobata ay ku yaaliin Calaamadhaa taariikhiga ah, haddad isku daydo in aad tirtirtana waxaan hayaa qoraalo iyo sawiro, somalidu waxa ay laheed 9 boqor oo la yiraa 9kii boqor ee Samaale, kan ugu koofureeyo waxa uu joogay oo xarun u aheyd Mombasa, kan ku xigana xaruntiisu waxa ay aheyd Baardheere ,7da kale illaa xuduuda Eritheriya ayey xakumayeen, waxa ay aheyd intaan isticmaarku noo imaan oo aan somalida qabiilo loo qaybin. Markii isticmaarku dib u kala calaameysanayay, Xuduud beenaadka annaga iyo Itobiya noo dhaxeysa, waxaan ka mid ahaa Asgartii la socotay isticmaarka ,geel dhudhii ayaan saarnaa.

 

Md. Kulmiye oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri: Markii aan ka soo tagay Md. Moi, ayuu Arrintii waxa uu u sheegay Madaxweynihii Kenya Md. Jomo kenyaata , muddo kadib waxaa xamar iigu yimid nin safiir ahaa oo Ingriis ah, iyo nin Jarmal ah, waxa ayna igu yiraahdeen waxaan kuu wadnaa fariin uu Arab moi noo soo dhiibay oo ka timid jomo kenyaata, taa oo ah arrinta Mombasa ha u sheegin Jan. Siyaad bare hadda ma ogee. Waxaan ku iri: u sheega Arab Moi, waxaan nahay Laba Madaxweyne ku igeen, Haddii uu Madaxweynihiisii u sheegay, maxaa diidaya in aniguna aan u sheego madaxweynahaeyga.waxaa ii cadaatay in ay arrintaa u gudbiyeen wadanka jarmalka oo ahaa isticmaarkii Ingriiska ka hor gumeysanayay inta badan Afrikada Bari iyo Ingriiska oo uga dambeeyay, loona cadeeyay in sheegashadeydu ay sax aheyd.

 

Aniga Yaxya Ahaan, Warkeey Meel leh: Waxaa marqaati iiga ah oo maalintaa Jan. Kulmiye uu sheegayay Goob joog ahaa: ex- wasiir Md. Cabdisalaam sh. Xussein oo markaa ahaa wasiirkii Hiddaha & Tacliinta Sare iyo Dr. Cali Jilibey, weli waa noolyihiin waxaan filayaa in ay weli xasuustaan,waadna weydiin kartaa. ( fiiri Sawirka 5aad).

 

FG:Aduunyo Sidan ahaan meyso, waxaa dhici karta in la gaaro maalin na loogaga Cabsado sidii maalintaa looga baqayay Siyaad & Kulmiye, lana heli doono Cadeymihii isticmaarka. Qormo ogaalkaan waxaan Xasuus reeb uga dhigayaa Jiilalka dambe. Qadarka ALLAAH wax kasta waa dhici karaan ee haka quusan.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip