Hordhac: Chelsea Vs West Ham: Blues Oo Ay Ka Go,antahay In Ay Ku Soo Laabato Wadada Saxda Ah

0
Sunday April 08, 2018 - 07:40:07 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea Vs West Ham: Blues Oo Ay Ka Go,antahay In Ay Ku Soo Laabato Wadada Saxda Ah

    Kooxda Chelsea ayaa ku jirta wakhti adag iyada oo laga reebay tartanka champions League sidoo kale laga badiyay kulamo horyaalka ah oo muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa ku jirta wakhti adag iyada oo laga reebay tartanka champions League sidoo kale laga badiyay kulamo horyaalka ah oo muhiim ah.


Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa 11 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad kaga jirta horyaalka ee Tottenham oo guul gaartay.

Blues ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha marka ay garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonto kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kulanka: Chelsea Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 Fiidnimo

 

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Chelsea ayaan laga badinin 11 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay West Ham, tan iyo markii ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay bishii September 2002.

Alvaro Morata ayaa shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Chelsea tartamada oo dhan laakiin wali gool muu dhalin 3 kulan oo xiriir ah.

Marko Arnautovic oo dhaliyay goolkii ay West Ham kaga badisay chelsea ayaa dhaliyay 9 kulan oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan xiddigii ugu dambeeyay ee West Ham ah ee dhaliya 10 gool ayaa ahaa Diafra Sakho xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka ahaa ee ay West Ham laba kulan ka badisay Chelsea xilli ciyaareed kaliya ayaa ahaa 2002/2003 markaas oo ay West Ham ka hartay horyaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip