Tababare Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka Adag Ee Madrid Derby- Yaa Ka Maqan Yaase Kusoo Baxay?.

0
Sunday April 08, 2018 - 07:31:06 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka Adag Ee Madrid Derby- Yaa Ka Maqan Yaase Kusoo Baxay?.

    Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxdiisa uu kala hor tagi doono kulanka Madrid Derby ee kooxda Atletico Madrid ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu, kaasoo ka tirsan kulamada 31-aad ee horyaalka L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxdiisa uu kala hor tagi doono kulanka Madrid Derby ee kooxda Atletico Madrid ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu, kaasoo ka tirsan kulamada 31-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.


Zinedine Zidane ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka daafaca ah ka hor inta uusan la kulmin dhigiisa Diego Simeone, xidigaha Jesús Vallejo iyo Nacho Fernández ayaa waxay kulankan ku seegi doonaan dhibaatooyin dhaawac ee kala duwan, taasoo ka dhigeysa in halyayga xulka qaranka France uu kulankan u heysto kaliya kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Zinedine Zidane ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu shaxdiisa ugu fiican ku soo shirtagi doono kulanka Madrid Derby iyo in uu ka fikiri doono kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League ee ay Bernabeu ku soo dhawayn doonaan Juventus.

Laakiin iyada oo Real Madrid aan muddo dheer wax guul ah ku gaadhin garoonkeeda Bernabeu kulamada horyaalka La liga ee Madrid Derby ayay Los Blancos doonaysaa in ay soo afjarto rekoodhka liita ee ay kooxda Diego Simeone ka haystaan.

Real Madrid ayaan tan iyo sanadkii 2012 kii wax guul ah ku gaadhin Bernabeu dhamaan kulamadii la Liga ee ay soo dhawaysay Atletico Madrid waxaana la filayaa in Real Madrid ay markan doonayso in ay iska reebto inkaartan isla markaana ay kaalinta labaad talaabo wayn sare ugu soo qaadi karto.

Laakiin guul ay gaadho Real Madrid ayaa la micno ah in ay waxtar wayn u noqon doonto Barcelona oo guul ka sii gaadhay kooxda Leganes maadama oo Atletico Madrid tahay kooxda labaad ee soo hiigsanaysa wiilasha Valverde.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Madrid Derby:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca Zidane

Difaaca:Dani Carvajal, Varane, Sergio Ramos, Marcelo, Theo Hernández.

Khadke Dhexe:Modric, Toni Kroos, Casemiro, Marco Llorente, Marco Asensio, Kovacic, Isco

Weerarka:Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazguez, B.Moyaral.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip