Lacag Ma rabo: Sideen Xaashi isku baranay iyo 19-kii qof ee Talyaanigu Badda ku tuuray=Qaybtii 3-aad=

0
Saturday April 07, 2018 - 20:20:23 in Wararka by
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Ma rabo: Sideen Xaashi isku baranay iyo 19-kii qof ee Talyaanigu Badda ku tuuray=Qaybtii 3-aad=

    Araar. Akhristoow, qof weyn ayaan ahay, mana rabo in adiga oo aanan ku aqoon aan been kuu sheego, Aakhirana Allaah Hortiisa la igu weydiiyo dadkaan maxaad beenta ugu qortay. Aqristayaalow, waad ku mahadsan tihiin,Ducadiina ALLA ha ii aqbalo,Lakii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Araar. Akhristoow, qof weyn ayaan ahay, mana rabo in adiga oo aanan ku aqoon aan been kuu sheego, Aakhirana Allaah Hortiisa la igu weydiiyo dadkaan maxaad beenta ugu qortay. Aqristayaalow, waad ku mahadsan tihiin,Ducadiina ALLA ha ii aqbalo,Lakiin waxa aan sameyay geesinimo ma aheyn ,qayb ahaan waa ogaal la'aan iyo qar iska tuurnimo,( libaax nin aan aqoon ayaa Ri' ka reebtaa la yiri) aniga oo aan heysan dowlad ii dacwoonee haddii wax la i yeelo ama gacan i siinee, ayaan dowlad weyn dalkeedii kula dhax dagaalay weliba arrin xasaasi ah. Xaashii & Qareenku maalintii lagu dhawaaqay in magdhaw la siinayo 31/3/2018, lacag dhan 3.181 .000 euro,weliba waa ka badan tahay waa 3.181.500 euro,waxa ay i soo weceen 7 jeer, waxaana ay ii soo direen copy warqadii magdhawga, talo ayaan siinayay, laakin go'aankeeygii in aanan lacagu iga maqneyn kama noqon, inkasta oo ay igu yiraahdeen go'aankaaga Abeel ayaan ka qaadaneynaa, kaana yeeli meeyno, Anna aan u sheegay in ayna iga qaadan abeel oo ay tix galiyaan go'aankeeyga lama taabtaana ka dhigaan.

Sideen isku Baranay Xaashi Cumar Xassan?.

Xaashi, waxa uu ahaa shufeer wada Land Rover ICRC uga shaqeya gobalka sh/dhexe, waxaa Xamar ku dacweysay gabar somaliya oo la igu yiri: nin ka tirsanaa ciidamada talyaanigu ayaa qabay,dacwo fudud,halkii saldhiga Deg/Shibis oo markaa shaqeynayay laga geyn lahaa,waxaa la geeyay xabsi ku yiil Dekadii hore oo aheyd xarunta ugu weyn ee ciidamadii Talyaaniga, waxaa lagu xiray konteynar ahaa xabsiga somaalida ay ku xiraan, madaxa ayaa looga gubay Sigaar ,Aashitana madaxa ayaa looga shubay.

Intii uu xabsiga ku jiray waxaa dhacay,dagaalkii Washadda Baastada oo dhalin yaro Somaliya iyo Talyaani ku dagaaleen,waxaana lagu dilay ciidamo Talyaani ahaa oo uu ku jiray nin sarkaal ah. ( fiiri Sawirada 1,2,3,4 & 5. Asgartii lagu dilay, lagu dhaawacay, qabuuradoodii iyo Taalaa loo dhisay, laakin somalidii lagu dilay Qalbigeeyga ayaan Taalo uga dhisay).

Talyaanigii oo careysan ayaa goobtii tagay, dagaalkii kadib waxa ay soo qab qabteen18 qof oo shacab ahaa oo aan dagaalkaa ka war qabin, waxa ku jiray 4 dhaliyaro qaraaba wada ahaa oo ka tirsanaa Qoys SHIIKHAAL ah oo meeshaa degenaa. " qabiilka xumaan uma sheegin ee tilmaan cad ayaan ka wadaa” 18 kii waxaa la keenay xaruntii dekedda duqda aheed, 18 koodii iyo xaashi , ayaa habeenkii la soo bixiyay waxaa laga xir xiray Gacmaha, iyo Lugaha , Madaxana waxaa loo galiyay Juuni caag ah oo illaa garbaha gaarayay, dhagaxa waaweyna dhabarka ayaa looga xiray, si ay u quusaan oo aan maydkooda loo arag una sabeeynin badda dhusheeda, waxaa la geeyay cirfka dhismaha dhagaxa badda ku dhax dhisan.( fiiri sawrika 6aad) .

Dhamaantood badda ayaa lagu tuuray, Alla mahaddii Xaashi gacmahii ayaa u furmay intii uu badda hoos ugu sii dagayay, waxa uuna iska bixiyay joonigii ,lugihiina waa furtay, Jabalka badda hoostiisa ayuu ku soo socday isaga oo iska qarinaya nalaka badda dhinaceeda ka shidan illaa uu soo gaaray xeebta Liido, isaga oo halkaa ku dhacay, subaxii ayaa laga soo qaaday isagoo oo weli nool, laakin madaxiisa ay ku yaaliin dabkii sigaarka iyo Aashitadii. hal nin oo kale ayaa ka badbaaday laakin anigu lama kulmin, in kasta oo aan raadiyay, ama waa la dilay ama cabsi ayuu magaalada uga cararay, 17kii kale waa wada dhinteen.

Laba cisho kadib ayaa odayaal & Rag kale wadeen Xaashi oo la geeyay Safaaradii hore ee Talyaaniga kuna tiil degmada Boondheere, Xarunna u aheyd Janaraalka Talyaaniga si loogu dacwooda, wax yar kadib odayaashii ayaa ku yiri Xaashi: iska bax yeyna hadda ku xirine, waana iska soo baxyay, odayashii waxaa lagu yiri: la imaada Baabuur faaruqa, waxaa looga buuxiyay raashin, waxa ayna ogolaadeen in arrinta Xaashi halkaa lagu xiro.

Maalmo kadib, Xaashi ayaa dad kula Taliyeen in uu u soo dacwoodo Xafiiska SIS ( Somali Intellectual Society ) oo aan markaa gudoomiye ka ahaa, ahaana Urur madax banana oo aan ku xirneyn haydaha ajnabiga ah, waxaana u furnay gal dacwo. Sidaa ayaan markii ugu Horeysay isku baranay Xaashi.

Waxaan sameeynay baaritaan aan u bixinay Qalfoofta qoyan ( wet skeleton) nin quusaa ah ayaan siinay 20.000 Sh.So, waxaan geynay halkii dadka badda looga riday, si uu u raadiyo lafahii ka haray Qalfooftii maydadka, waxa uu soo bixiyay qayba ka haray lafihii dadka oo ay ku xiran yihiin xarko caag ah, meel lagu keydiyo ma jirto waan sawirnay kadibna madxihii iyo lafahii waxaan ku celinay Badda.

Saraakiishii Somalida ee xiriika dhaw la leheyd Talyaaniga ayaa igu yiri: markaan waad ka dartay, waxa ayna Xarunta CISP- NGO Xamar, iigu geeyeen nin Jeneral ahaa oo sirdoonka Talyaaniga "Digos” u xisaabsan somaliya oo markaa xamar yimid, waxa uu igu yiri: waa naloo sheegay in aad Talyaaniga necebtahay, waxaan ku iri : Haddii dhibaatada loo geystay dadkan aan ka hadlo ma Talyaani ayaan necebahay, waxaa la ii keenay qado iyo cabitaan, waxaan iri waan soomanahay, Runtii ma sooneyn maalinta ee waan cabsaday, yaxye geesi ma ahan!!!.

Markii aan Talyaaniga tagay ayaan soo bandhigay cadeymihii 17 qof in badda lagu riday, waxaa la yiri: waa beentii mana jirto in ciidamadeenu sidaa ku kacaan. ALLAAH mahaddii nin wariyaa oo Talyaani ahaa ayaa goobtii ka istaagay oo yiri: Waqtiigaa uu yaxye sheegayo annigu xamar ma joogin, laakin Taariikh ka dambeeysay ayaan tagay, weliba habeen aniga oo la joogo ciidankii deganaa dekadda duqda ah ayey 2 nin oo Somali ah Badda ku tuueen iyaga oo u xirxiran sida yaxye sheegayo, Neeftii ayaa iga soo fuqday oo waxaan helay nin Talyaani ah oo iiga marqaati kacay in arrintaani dhacday.

FG: Ogoow qoraalkani weli khatartiisa ayuu ii leeyahay, qaybaha dambe ayaana ka khatar badan. Laakin Runta in aan kuu sheego ayaan go’aansaday, aniga oo aanan Lacagna kaa rabin ( fiiri Sawirka 7aad)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip