Lacag Ma Rabo: Dhibaatadii loo geystay wallaalkaa Aadan & Walaashaa Daahiro. Qaybtii -2aad

0
Saturday April 07, 2018 - 20:17:58 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Ma Rabo: Dhibaatadii loo geystay wallaalkaa Aadan & Walaashaa Daahiro. Qaybtii -2aad

    1-walaalkeen: Aden Abukar Cali.( Aadeey weershe). Ka hor intaan xiniinyaha koronto looga gubin, Adan waxa uu joogay magaalada jowhar,waxa uu ahaa nin miskiin ah oo dan yar ahaa, waxaa lagu soo eedeyay in uu fuq fuqsanayay biro duug ah si uu u iibsad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-walaalkeen: Aden Abukar Cali.( Aadeey weershe). Ka hor intaan xiniinyaha koronto looga gubin, Adan waxa uu joogay magaalada jowhar,waxa uu ahaa nin miskiin ah oo dan yar ahaa, waxaa lagu soo eedeyay in uu fuq fuqsanayay biro duug ah si uu u iibsado,waxaa la geeyay xarunta Ciidanka Talyaaniga UNISOM ee jowhar- 1994. Asgartii Talyaanigu dharkii ayeey ka siibeen, kadibna mashiin yar oo dab dhaliye ah ( Generator ) ayeey soo qaateen , laba fiilo oo dab koronto leh ayeey xiniinyaha iyo xubna kale uga qabteen, aad ayuu u cabaaday illaa uu ogaal beelo, markii ay is yiraahdeen waa mayd, ayey dibadda u soo tureen. Dad ayaa meeshii ka qaaday ,ogaalkii ayaana u soo noqday.jir dilkaasi waxa uu sababay in xubnihiisii taranku ay shaqeey waayeen, jug kale oo madaxa & Feeraha ka gaartay ayaa haddana sababtay in uu shaqeysan waayo.( fiiri sawirka Adan oo isaga oo la qaawiyay Xuninyaha koronto looga gubayo, iyo Asgarigii xiniinyaha ka gubay. (sawirda 1&2aad)

Ma jitro Dowlad ama Hayad naga caawineysay howshaan, weliba waan ka baqeynay in cid ajnabiya aan wax ku darsano,si ayna noo fashilin.

Dhacdadaani markii ay dhacday 3 sanno kadib ayaan bilaabay in aan raadiyo Adan Abukar, 4 bil ka dib ayaan soo helay,waxaan keenay Xamar, kadibna sawiradiisii ayaan u diray Av. Ducaale, laakin Talyaanigii ayaa beeniyay oo yiri: Adan ma noolo,siwradaanina waa been Abuur uu yaxye uu sameeyay.

Si loo xaqiijiyo waxaa ila ballantay Naag wariye Talyaaniya ah oo da’aahaan 65 jir ah, waxaan kula balamay Airporka Cisiley ee waqooyiga Xamar, si ay u aragto Aden weershe, una hubiso in uu yahay ninkii xiniinyaha laga gubay ,igana caawiso in ay u gudbiso warbaahinta. Waxa ay 10:00kii subsxnimo ku timid Dayaard gaar ah oo Nairobi ay ka soo qaadatay, waxa la socday Duuliyaha oo kaliya, waxa ay aragtay Aden waxa ay ka qaaday sawiro,waxa ay tiri: waa isagii,kadibna wareysi ayey ila yeelatay,iyada oo ooynee ayey Aden lacag siisay, waxa ay joogtay 20 daqiiqo oo kaliya, waxa ay igu tiri: yaxye is ilaali khatar cusub ayaad wajihi kartaa, Talyaanigu waa Maafiyo, maafiyadu Somaliyana waa joogtaa, anniga oo qosol gariir cabsiyuna ku jirto iga muuqdo ayaan ku iri : Allana waa jooga, sii socodkii waxaa iiga cabsi badneed soo noqoshadii illeyn Airporku Xamar waa ka baxsanyahay dhul duur ah ayaana la sii maraa, ciidanna illama socon.

Masuuliyiin badan oo somaliya ayaan u sheegay dhibaatada , waxa ay yiraahdeen ma dhici karto, markii aan tusay sawirada Aadan weershe iyo dhibaatada kale ee loo geysatay somalida , waxa ay si fudud u yiraahdeen,waa sawiro naxdin leh, ha isku dabagalin Talyaani waa taqaan khatar tooda ma ahan sida yurubta kale.

Adan iyo sarkaal ka mid ahaa booliska soomalida oo markii dhibaatada loo geysanay Adan joogay saldhiga booliska Jowhar, weliba aqoonsan karo labadii asgari ee Aadan jirdilay, ayaan dalka Talyaaniga isku raacnay si aan dacwo ugu soo oogno asgartii Aadan xiniinya tirtay, una daaweyno Adan. Passporka aan ka sameysanay Cabdalla shidaay waxa lacagtiisa na siiyay Nin ladhihi jiray C/qaadir Barrow AHU oo Baar FIAT – xamar uu u furnaa.

Ugu horeyn Isbitaalka Livorno ee Talyaaniga markii aan geynay, qolka ayaan kula jiray takhtarkii ayaa kalkaalisadii ku yiri: candhadaada baneey,isaga oo raba in uu yiraa,ninkaan xiniinyaha waxba kama gaarin, Aadan ayaa igu yiri: heeh aniga dareen ayaa isoo galooyo, waxaan ku iri: is moogeysii, duf ku baxe. Baaritaankii kadib dhaqtarku waxa uu suggay in ninkani uu dhaawac ka qabo xiniinyaha & qayba kale oo jirkiisa ah, waxaa la siiyay daawo, xanuunkiina xoogaa waa ka bogsaday. intii aan Talyaaniga joognay aniga iyo Aadnba waxaan la kulanay dhaqaatiir iyo masuuliyiin badan oo Talyaani ah, ( fiiri sawirada 3,4 & 5aad).

Labaddii Asgari ee Adan jirdily waxaa ku markhaati furay ex- Gaasaanle: Cabdullahi xussein ( makaaniko) oo ka tirsanaa policeka jowhar,goob joogna ka ahaa markii falkani ka dhacayay xerada ciidamada Talyaaniga ee jowhar laakin aanuu wax ka qaban Karin, markii aan xamar ka soo baxeynay ayaan Av. Ducaale ka codsaday in Gaashaanlahan la’aantii aanan soo bixi Karin, Av. Ducaale oo laftigiisa mar ka tirsanaa Booliska Somaalida ayaa igu raacay.

Talyaanigu labadii asgari ayeey ciidan kale ku soo dhax dareen, waxaa la yiri: G/le Cabdullahi ma ka aqoonsan kartaa ragaan kii korontada ku gubay, G/le cabdullahi ayaa yiri: waa kuwan,waxa uuna soo saaray dambiilihii dhabta ahaa ee Aadan korontada ku gubay. G/le Cabdullahi ayaa sii raaciyay weliba hadda waxaa iiga muuqda 4 isbedel oo uuna laheeyn markii uu somaliya joogay.

1-Markaa dhar ciidan ayuu watay, hadda dhar caadiya ayuu wataa.

2-Markii uu soomaliya joogay gar ayuu lahaa ,hadda waa iska xiiray.

3-Markuu somaliya joogay waa cayilnaa hadda waa caato.

4-Markuu soomaliya joogay midabkiisu maariin ayuu ahaa oo qoraxdaa bedeshay, laakin hadda waa xoosh cad oo barafka ayaa bedelay. Maxkamadii ayaa qirtay in cadeynta Gaashaanlaha soomaligu ay sax tahay.

kadibna Dacwadii waxaay ka bilaabatay maxkamada magaalada Livorno. Labadii Asgari ee Adan xiniinyaha ka gubay , ayaa maxkamad la soo istaajiyay maxkamadii 1aad waa wada inkireen, maxkamadii dambe mid ayaa qirtay, midna waa inkiray, midkii qirtay waxaa lagu xakumay 1 sanno oo xarig ah iyo in shaqada laga eryo, kii inkiray waxaa lagu xakumay hal sanno iyo bar iyo 15.000 $ oo ganaax ah, waxa uuna yiri: ma heeysto mushaarkeeyga ka badan, waxaan dhahnay xattaa hadduna heysan waa in ay bixisaa wasaaradda gaashaan dhigu ileyn ninkani isaga oo kaligii socda wax nama yeeli karo ee waxa uu ku hoos jiray calanka Talyaaniga,iyada lafteda ayaan dhanay xuquuqda Aadan intaa waa ka badan tahay ee waxaan la sugeynaa dowlad somaliyeed. Sida sharciga Talyaanigu qabo haddii asgariga lagu xukumo wax ka yar 2 sanno, hadduuna dambi hore laheeyn, xabsi lama geynayo ,laakin magaalada kama bixi karyo.

Asgartaanu markii ay falkaan sameynayen isma leheeyn maalin ayaa Adan & walaalihii oo Dacwa ihi talyaaniga idiinkaga daba imaan doonaan.

Asaxaabtii Asgartii la xukumay ayaa iigu dhaaratay in ay iga aar gudsan doonaa,.police kii aan isku haleynayay iyana waxa ay igu yiraahdeen la joogaaga ayaaba annaga lafteena khatar nagu ah, ee adigu naftaada ilaasho.

2-Walaasheen: Dahira Salaad .

Dahira Salaad Osman: waxa ay aheed Gabr reer Hiiraan ah. Waxa aan Av. Ducaale ka codsaday in Dahira iyo Abtigeed ay isoo wada raacaan bacdama ay tahay qof haween ah oo u baahan qof muxramkeeda ah oo kaligeedna aynan is xafidi Karin oo ay qabto xanuun dhinaca dhimirka ah .

Ciidamada Talyaaniga ayaa Daahira soo qabtay iyada oo kaligeed mareeysa magaalada jowhar meel u dhaw, markii ay ogaadeen in ay tahay qof dhiman maskax ahaan ayeey keensadeen xeradooda, bacdaamaa habeenkii aan cidi soo gali Karin, lix Taangi oo qaab wareegsan loo dhigay dhaxdooda ayey keeneen, waxa ay ku xirxireen qaybta hore ee taangiga, dharkii ayey ka siibeen. Nalka ayey ku shideen, kadibna bamba faalka iyo Xabadda Bazuukaha yar ayeey olyo mariyeen kadibna coowradeeda ayeey xoog ku galiyeen, weey cabaadeeysay xanuunka dartiis ayuu yiri midka mid ahaa asgartii Talyaanigu, waxa kale oo uu yiri: Ooyinteeda ayaa qaarkeen muusik ka dhigteen oo jazz ay ku ciyaarayeen, waxaa la weydiiyay: ma naageysateen?. Si cara leh ayuu u yiri: maya, maya, weey jiraneed, weeyna ureysay, "era malato e butsafa " gabdhihii saxaafada Tayaaniga ka socday ee goobtaa joogay ayaa ooyay, anigu ciil daraadii hadalkii ayaa igu dagay.Gudigii Talyaanigu u saaray arrinta Daahira ee "Commissione Gallo” waxba uma ay qaban. Laakin dhowr bil ayaa waxaa daaweynayay Urur ay la haayen Haween Talyaaniya & Gabdha Somaliya.

Marabo in Sawirada iyo Video-ga Daahira markii falakan lagu sameynaya aan idin soo gudbiyo calool xumidooda, laakin si kooban u fiiri sawirkan markii bambaka la galinayay iyo Nooca Bambada.( fiiri sawirada 6 & 7aad)

Intaasi waa qayb ka mid ah dhacdadaa runta ah inta aan ka xasuusto,aragtidaada xor ayaad u tahay.ogowna mar kasta lacag darteed wax waliba looma sameyo lacagtu ha badnaato ama ha yaraato ( fiiri sawirka 8 & 9aad).

FG: Su’aal badankiinu aad i soo weydiiseen oo aheyd sababta xaashi uu u tegay Talyaaniga, iyo arrima ka culus kana khatar badnaa tan Xaashi, Adan & Dahiro ayaan ku wadaagi doonaa qaybaha dhiman ee Qoraalada "lacag ma rabo”, Haddii Alla idmo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip