Xiriirka UEFA oo shaaciyey kooxda sanadkan ku guuleysan karta tartanka Champions League

0
Thursday April 05, 2018 - 22:54:42 in Wararka by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka UEFA oo shaaciyey kooxda sanadkan ku guuleysan karta tartanka Champions League

    Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa lagu eedeeyay inuu u janjeero dhinaca kooxda Real Madrid, kaddib markii uu shaaca ka qaaday inay tahay kooxda ku guuleysan karta sanadkan Champions League. Kaddib markii kooxda tababare Zidane ay la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa lagu eedeeyay inuu u janjeero dhinaca kooxda Real Madrid, kaddib markii uu shaaca ka qaaday inay tahay kooxda ku guuleysan karta sanadkan Champions League. Kaddib markii kooxda tababare Zidane ay labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen Koobka dhagaha weyn ee Horyaalladda Yurub ayaa haatan xiriirka UEFA waxa uu qabaa inay markii saddexaad oo xiriir ah qaadi karto. Kaddib markii kooxda Real Madrid ay guul ka gaartay Juventus todobaadkan xiriirka UEFA ayaa Twitter-ka soo dhigay sawirka kooxda Real Madrid waxaana ay soo raaciyeen qoraal u dhignaa inay noqon karto kooxda ku guueysanaysa Champions League sanadkaan 2018.



Waxaa sheekadaas ka carrooraday taageerayaasha kooxaha kale ee ka mid ah kuwa weli ku jira tartanka Champions league sanadkan oo aan weli la reebin, waxaana ay ku eedeeyeen xiriirka UEFA inuu xigsanayo kooxda Real Madrid.

Jamaahiirta kooxaha kale sida Barcelona, Bayern Munich, Liverpool iyo Man City ayaa sheegay inay u arkaan in UEFA ay hoos u dhigtay Kooxahooda, kuwaasoo iyaguba sanadkaan ku guuleysan kara Koobka Champions League.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip