Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Arsenal v Manchester City.

0
Monday December 21, 2015 - 12:32:12 in Sports News by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Premier League Ee Arsenal v Manchester City.

    Kulanka: Arsenal v Man City Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Andre Marriner

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Arsenal v Man City Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Andre Marriner

Midkoodna labada kooxood ee Arsenal iyo Manchester City fursad uma heystaan inay hogaanka u qabtaan horyaalka Premier League ka hor waqtiga ciida gaalada, madaama ay Leicester City isbuucaan garaacday Everton islamarkaana ay shan dhibcood hogaanka kaga qabatay kooxda kaalinta labaad ee Arsenal, halka Man City ay dhibic ka sii danbeyso Gunners.

Laakiin Gunners iyo Sky Blues ayaa kulankooda caawa waxa uu hordhac u noqonayaa sida ay ugu tartami doonaan hanashada horyaalka marka la galo qeybta labaad ee xilli ciyaareedka. Labadaan kooxood ayaa loo arkaa in midood ay hanan doonto horyaalka xilli ciyaareedkan inkastoo haatan Leicester City ay sawirka isku soo dartay.

MAXAA KA CUSUB?

Arsene Wenger iyo Manuel Pellegrini ayaa doonaya guusha caawa waxaana ay taasi keeni kartaa in Alexis Sanchez iyo Sergio Aguero dib loogu soo celiyo garoonka waqti ka horeeya waqtigii la filayay inay soo laabtaan.

Arsenal waxaa dhaawac kaga maqan Arteta, Wilshere, Rocisky, Welbeck, Coquelin iyo Cazorla, halka taam ahaanshaha Sanchez uu shaki ku jiro madaama uu dhaawac ka qabay muruqa.

Dhanka kooxda Man City waxaa dhaawac kaga maqan kabtankodoa Kompany, Zabaleta, Fernando iyo Nasri, halka Sergio Aguero oo dhaawac ka soo kabsaday uusan taam buuxda u aheyn inuu ciyaaro.

 

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Flamini, Ramsey; Walcott, Ozil, Campbell; Giroud.

Man City (4-2-3-1): Hart; Kolarov, Otamendi, Mangala, Sagna; Toure, Fernandinho; Sterling, Silva, De Bruyne; Aguero.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip