Saameynta Mourinho Ee Chelsea Weli Ma Dhamaan – Guus Hiddink Oo Kulan Quraac Ah La Yeeshay Jose Mourinho Si Uu Talo U Siiyo.

0
Monday December 21, 2015 - 12:29:01 in Sports News by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta Mourinho Ee Chelsea Weli Ma Dhamaan – Guus Hiddink Oo Kulan Quraac Ah La Yeeshay Jose Mourinho Si Uu Talo U Siiyo.

    Tababaraha reer Portugal ayaa lagu waramayaa inuu la kulmay tababaraha ku meel gaarka ah ee Blues Guus Hiddink si ay uu ugala hadlo ciyaartoyda Blues. Sida ay sheegeyso jariirada Ingariiska ee The Sun, labada nin ayaa kulan quraac ah ku qaatay Ber

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha reer Portugal ayaa lagu waramayaa inuu la kulmay tababaraha ku meel gaarka ah ee Blues Guus Hiddink si ay uu ugala hadlo ciyaartoyda Blues. Sida ay sheegeyso jariirada Ingariiska ee The Sun, labada nin ayaa kulan quraac ah ku qaatay Berkeley Hotel ee magaalada London wax yar ka hor inta uusan Hiddink booqanin garoonka tababarka Chelsea ee Cobham.

Jose Mourinho ayaa laga ceyriyay Chelsea laakiin waxa uu weli saameyn ku leeyahay kooxda.

Mourinho ayaa la sheegayaa inuu ninka bedelay uu siiyay faahfaahin aad u balaaran oo la xiriirta ciyaartoydii uu ka dhaxlay isaga.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si musiibo leh taasoo keentay in Mourinho la ceyriyo ka dib markii laga badiyay sagaal kulan oo ka mid ah 16kii kulan ee ugu horeysay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Tan iyo markii uu baxay, waxaa soo muuqatay inay kooxda horumar sameysay dhanka qaab ciyaareedkeeda, Chelsea ayaa 3-1 ku garaacday Sunderland kulankii sabtida waxaana ay aheyd guushoodii ugu horeysay ee horyaalka ee tan iyo bartamihii November.

New-Chelsea-manager-Guus-Hiddink-meets-players-and-staff-after-Sunderland-game








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip