Waa Kuwee Xiddigaha Premier League Ee Xalayto Ka Qeybgalay Arooska Frank Lampard? (Sawiro)

0
Monday December 21, 2015 - 12:25:35 in Sports News by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee Xiddigaha Premier League Ee Xalayto Ka Qeybgalay Arooska Frank Lampard? (Sawiro)

    Frank Lampard ayaa xalayto guursaday saaxiibtiisii mudada dheer Christine Bleakley iyadoo ay xafladiisa arooska ka soo qeybgaleen dadka caanka ah kubada cagta adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Frank Lampard ayaa xalayto guursaday saaxiibtiisii mudada dheer Christine Bleakley iyadoo ay xafladiisa arooska ka soo qeybgaleen dadka caanka ah kubada cagta adduunka.


Asxaabtiisa hore ee Chelsea oo xilli ciyaareedkan xaalad xun ku jiray ayaa qaarkood is ilowsiiyay islamarkaana soo xaadiray arooska oo ka dhacay Knightsbridge ee bartamaha magaalada London.

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa joogay iyo sidoo kale daafaca Chelsea Branislav Ivanovic iyo xaaskiisa Natasa.

John-Terry

Branislav-Ivanovic-arrives-at-the-wedding-of-Christine-Bleakley-and-Frank-Lampard

Goolhayaha Arsenal ahna goolhayihii hore ee Chelsea Petr Cech ayaa sidoo kala joogay isaga iyo xaaskiisa Martina Cechova. Arsene Wenger ayaana rajeynaya inuu goolhayaha reer Czech xalayto xilli hore ka soo laabtay arooska madaama ay Gunners caawa wajaheyso Manchester City.

Petr-Cech-arrives-at-the-wedding-of-Christine-Bleakley-and-Frank-Lampard

Lampard ina adeerkiis ka weyn Jamie Redknapp ayaa isna joogay isaga iyo xaaskiisa ahna heesaa hore Louise.

Tababarihii hore ee Tottenham iyo QPR Harry Redknapp ayaa isna sidoo kale joogay.

Raga kale ee caanka ah ee ka soo qeybgalay arooska waxaa ka mid ah Ant iyo Dec oo ah labo nin telefishinada Britain caan ka ah iyo weliba taageeraha weyn ee Arsenal Piers Morgan.

Jamie-and-Louise-Redknapp-arrive-at-the-wedding-of-Christine-Bleakley-and-Frank-Lampard Harry-Redknapp-arrives-at-the-wedding-of-Christine-Bleakley-and-Frank-Lampard




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip