Riyad Mahrez Oo Looga Yeerayo Old Trafford, Drogba Oo Loo Sharaxayo Shaqada Chelsea Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta.

0
Monday December 21, 2015 - 12:07:12 in Sports News by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyad Mahrez Oo Looga Yeerayo Old Trafford, Drogba Oo Loo Sharaxayo Shaqada Chelsea Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta.

    Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

Dhowr wargeys ayaa ku waramaya in tababare Louis van Gaal la ceyrin doono haddii Manchester United ay guuldarro ka soo gaarto Stoke City kulanka Boxing Day.

Kooxda Man United ayaana xiriir la sameysay tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho si uu u bedelo Van Gaal xita ka hor kulankii Norwich ee sabtidii. (The Sun)

Mourinho oo 52 sanno jir ah ayaa jeclaan lahaa inuu tababare ka noqdo Old Trafford haddii la siiyo fursadaas. (Daily Mail)

Chelsea ayaa laga yaabaa inay tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini u magacaabaan xilli ciyaareedka danbe bedelka Mourinho. (Fox Sports)

Manchester City ayaa ugu cadcad inay hesho tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxaha Manchester United, Chelsea iyo PSG. (Guardian)

Manchester United ayaa 29 milyan ginni ku dalbaneysa bisha Janaayo xididga reer Algeria ee kooxda Leicester City Riyad Mahrez oo 24 sanno jir ah (Daily Express)

Xiddiga reer Colombia ee Chelsea Radamel Falcao ayaa doonaya inuu wadahadalo la galo tababaraha cusub Guus Hiddink si uu u ogaado mustaqbalkiisa Stamford Bridge. (Daily Mirror)

Guus Hiddink, oo tababare ku meel gaar ah ka noqonaya Chelsea ayaa doonaya in Didier Drogba inuu qeyb ka noqdo shaqaalihiisa tababarka ee Stamford Bridge. (The Times)

Drogba ayaa loo arkaa tababaraha mustaqbalka ee Chelsea iyadoo Roman Abramovich uu doonayo inuu 37 jirkaan ku soo celiyo kooxda. (The Sun)

Xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot ayaa soo dhaweyn doono inuu bisha Janaayo u dhaqaaqo kooxda Arsenal. (Daily Mirror)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip