Arsene Wenger: Suuqii Manchester City Uga Furnaan Jiray Arsenal Waa Soo Xirmay Haatan.

0
Monday December 21, 2015 - 12:05:40 in Sports News by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger: Suuqii Manchester City Uga Furnaan Jiray Arsenal Waa Soo Xirmay Haatan.

    Arsene Wenger ayaa sheegay in maalmihii madoobaa ee markii ay Manchester City soo iibsan jirtay xiddig kasta oo u soo baxa Arsenal in la soo dhaafay. Kooxda boorsada weyn ee Etihad Stadium ka dhisan ayaa ka ugaarsan jirtay Gunners iyadoo xiddigahe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ayaa sheegay in maalmihii madoobaa ee markii ay Manchester City soo iibsan jirtay xiddig kasta oo u soo baxa Arsenal in la soo dhaafay. Kooxda boorsada weyn ee Etihad Stadium ka dhisan ayaa ka ugaarsan jirtay Gunners iyadoo xiddigaheeda ku soo jiidan jirtay mushahar qaali ah. City ayaa la wareegtay Emnanuel Adebayor iyo Kolo Toure sannadii 2009 iyagoo kula wareegay heshiis 41 milyan ginni ahaa.

Halkaasi kuma aysan joogsanin waxa ay sannadii 2011 la soo wareegeen labada xiddig ee reer France Gael Clichy iyo Samir Nasri oo ay kula soo wareegeen 31 milyan ginni.

Bacary Sagna ayaa ugu danbeeyay xiddigihii ka soo hayaamay London ee u soo wareegay Etihad Stadium markii uu soo dhamaaday qandaraaskiisii Arsenal 18 bilood ka hor.

Laakiin ka hor kulanka ay City caawa u safreysa Emirates, Wenger ayaa sheegay inuu haatan iska diidi karo dalabyada waa weyn ee City ka imaan kara.

Ninka reer France ayaa yiri: "Taasi waa ay adkeyd bilowgii laakiin waxaan ku qasbaneyn inaan dhaqaale ahaan badbaadno, waana ku qasbaneyn inaan aqbalno.

"Haatan boos sidaas ka yara xoogan ayaan ku jirnaa.

"Ma dhihi karo ma dhici doonto mar danbe sababtoo ah marnaba ma ogid, laakiin waxaan ku jirnaa boos aan ku diidi karno dalabyadooda.

"Premier League ayaa guud ahaan yeeshay awood dhaqaale iyadoo xitaa kooxaha hoose ay lacag qarashgareyn karaan iyagoo ciyaartoy ka soo iibsan karaa kooxaha sida Valencia iyo Lyon taasoo horyaalka ka dhigeysa mid ka sii adag sidii hore.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip