Lionel Messi Oo Doonaya Inuu Barcelona Ku Arko Xiddig Ka tirsan Bayern Munich

0
Monday April 02, 2018 - 23:07:03 in Wararka by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Doonaya Inuu Barcelona Ku Arko Xiddig Ka tirsan Bayern Munich

    Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu weydiistay madaxda kooxda reer Catalan inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddig katirsan Bayern Munich.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu weydiistay madaxda kooxda reer Catalan inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddig katirsan Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Diario Gol, Messi ayaa doonaya inuu Barcaelona ku arko xiddiga Bayern Munich David Alaba.

Kooxda Catalan-ka ayaa bartilmaameedka ugu weyn waxaa u ah xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu heshiska horudhac ah la gaaray Barcelona.

Daily Mirror ayaa soo warisay in mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee Messi u doonayo saxiixa Alaba ay tahay inuu ku haboon yahay qaab ciyaareedka kooxda.

Xiddiga Bayern Munich iyo xulka qaranka Austrian Alaba ayaa ka ciyaara boosas badan sida daafaca bidix, daafaca dhexe, iyo khadka dhexe.

Alaba ayaa 296 kulan u saftay Bavarians, isagoo dhaliyey 25 gool halka uu ka caawiyay 38 kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip