Siyaasiyow iska hubi,wax qabadka aad ku faanee,ma lagula fahamsan yahay=NASASHADA JIMCAHA=.Q- 89aad.

0
Friday March 30, 2018 - 19:32:28 in Wararka by
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyow iska hubi,wax qabadka aad ku faanee,ma lagula fahamsan yahay=NASASHADA JIMCAHA=.Q- 89aad.

    (Wax Akhyaar loogu maahmaahana ma lehe) 1-Nin ayaa waxa uu qabay xaas waxayna isku lahaayen 4 caruur ah,wuxuu soo aroosay Naag kale oo yar, wuxuuna soo dajiyay isla gurigii. Deriskii ayaa ka yaabay raaliya nimada xaaska weyn iyo sida wanaagsan oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Wax Akhyaar loogu maahmaahana ma lehe) 1-Nin ayaa waxa uu qabay xaas waxayna isku lahaayen 4 caruur ah,wuxuu soo aroosay Naag kale oo yar, wuxuuna soo dajiyay isla gurigii. Deriskii ayaa ka yaabay raaliya nimada xaaska weyn iyo sida wanaagsan oo ay ula dhaqmee Min yarada. Maalintii dambe min weyntii oo guriga ka maqan ayaa dab xoog lihi qabsaday gurigii. Oo la gali waayay, min weyntii ayaa timid oo gurigii oo gubanayo dhax gashay, waxa ay ka soo badbaadisay caruurteedii oo dhan marba mid, markii shanaad ayeey gashay waxa ay ka soo badbaadisay Dahabkeedii. Waxaa ay gashay mar 6aad,7aad, iyo 8aad, mar kasta waxa ay ka soo baxeeysay iyada oo aanan waxba wadin.

Waxaa lagu yiri: Maxaa dhacay mar kasta dabkan ayaad dhax maree adiga oo aanan waxba wadin ayaadna ka soo noqonee? Waxa ay tiri: waxaa ku jirta Min yaradii. Waxa la yiri: ma dabkaad ka damineeysay? Waxa ay tiri: maya ee marba dhinaca u fiyoow ayaan u gadinayay,si ay u wada bislaato.   

( fiiri Sawirka 1aad).   

( Ma canjeeraa!!. Ar gabdhoow nin xaas leh iyo Aag naag u xiran iska ilaaliya,hadaadan hureyna walba hala degin, hadii kale Bururucis u diyaar garoow)

2-Mid Ciyaal Tuula ah, ayaa saaxiibkii oo Ciyaalaka xaafadda Xamar jab jab ah ku yiri: Saaxiiboow sow ma ogid in aan Gabar idinka qabno?. Ciyaal Xamar jab jabkii ayaa ku yiri: Gabadhee naga qabtiin?.

Kii Ciyaal Tuulada ahaa ayaa ku yiri: Wiil reer hebel ah oo aan isku qabiil nahay,ayaa waxa uu qabaa gabar reer hebel ah oo adiga aad isku qabiil tihiin.weliba waxaa dhalay nin caan ah oo Nabadoonkiina ah – nin ay ilma habreed yihiin – nin Abti u ah-walaashii adeerkeeda labaad – iyo Gabadha aan idinka qabno Aaabaheed ey qaraaba dhaw yihiin.

Kii ciyaal Xamar Jab jab ka ahaa ayaa yiri: Taa maxaa ka macnaa, anaguba wiil ayaan idinka qabnaa. ( fiiri sawirka 2aad)

( Siyaasiyoow iska hubi, wax qabadka aad ku faanee, ma lagula fahamsan yahay)

3-Koo reer Gaalkacyo ah ayaa yimid Guriga saaxiibkii oo Xamar weyne degan. Intii uu saaxibkii sugayay ayaa Gabdhii shaqaaluhu u keentay Qaxwo Xaraar ( qaxwo sokor la’aan ah), gabadhii markii ay baxday ayuu dhadhamiyay. Kadibna gabadhii ayuu u yeeray kuna yiri: waan soomanahay.

Xaaskii saaxiibkii ayaa wax yar kadib u keentay Xalwo & Odkac/muqmad. Gacanta ayuu la galay ,waxa uuna yiri: Hadda ayaa Soonkii iga jabay, waxaan hilmaamay kaniini dhaqtarku igu yri: saddaxda waqti cun. ( fiiri Sawirka 3 & 4aad)

( koo mooshin waday ayaa la yiri: 2.000$ qaado, waxa uu yiri: weligeey laaluush ma qaadan, waana ka dhaartay. Waxaa la yiri: 10.000$ qaado. waxa uu yiri: waxaan u maleynayay in aan dhaartay, illeyn waan qaldanahaye, maba dhaaran.

Waxaa la yiri: haddii furuq la arkay ayaa waraaboow fara ka leef noqday, xildhibaanadii waraaboowga ahaa, oo noo jooga ayaa furuqna yimid, shacaboow furuq + waraaboow=xxxxxx)

4- Koo Nacas ah ayaa naag loo guuriyay, habeenkii u horeeyay ayuu ka baqay naagtii, gabadhii ayaa maaweeli is tiri ,kaba daran waxa ay is tiri muxuu ahaa ninkaan aan dareenba laheeyn. Wiillal ay qaraaba yihiin ayuu subaxdii u sheegay wixii xalay dhacay, Nacaskii ayaa ku yiri : Ma Qof Nool oo isoo Eegaya ayaan fuuli karayaa?. Gabadhii oo sheekadooda maqleysay ayaa habeenkii sariirta isku diyaarisay oo Mayd isaga dhigtay.

Nacaskii waxa uu mooday in ay mayd tahay, waxa uu is yiri waa dhimatay ee inta aan maydka la qaadin ka faa’iideeyso.Gabadhii ayaa markuu howsha bilaabay ku soo toostay,Nacaskii intuu naxay ayuu is yiri, illeyn Alaabta raggu Qof dhimatay waa soo nooleyn kartaa.

Markuu howshiisii dhameeystay isaga oo weli sariirta jiifa ayaa telephone u soo dhacay, intuu telefonkii qabtay ayuu yiri: Halloow waa kuma? .waxaa lagu yiri: war waa ina adeerkaa , waxaa dhintay Adeerkaa hebel ee soo dhaqso. Nacaskii ayaa yiri: War Fuula isagaa soo Kacayee.

5- wadaad Diaspora ah oo dad ku wacdinayay Hotelkii uu degenaa ayaa yiri: wadanka oo dhan waxaa ku faafay fisqi iyo Xumaan, illa la gaaray heer in Dumarka jirkooda ka ganacsada, ay ku iibiyaan Jirkooda 5 Dollar oo kaliya. Mid ka mid ahaa dadkii qudbada dhageeysanay ayaa ku yiri: Shiiqoow waa 15Dollar. Shiiqii Diasporada ahaa ayaa yiri: 15 Dollar waa markii ay habeenkii oo dhan kula seexanee.( fiiri Sawirka 5aad).

(Haddii mooshin laga keeno Siyaasi, dadka ugu horeya ee moshinkaa cambaareynayo ,waa culumada u Hotelada ee Tolkiisa ah. (Muqdisho Qofka Aan Shaqeynin Waxaa Looga Yaqaanaa Siyaasi & ama Sheikh Diaspora)

6-Mid cabtooy ah ayaa hada kahor Qalad weyn oo uu galay dartii, lagu xukumay dil toogashaa ah, intaan la toogan ayaa la weydiye maxaad rajeynee?

Cabtooygii ayaa yiri: inan ku waana qaato Dilkaan, oo aanan mar dambe qaladkaan oo kale aanan sameynin ayaan ku dadaalayaa.

( Nin Siyaasi ah ayaa lagu soo eedeeyay in uu ka aamusay, darbiga Buula xaawo laga bilaabay dhismahiisa, waxaa lagu yiri: haddii dacwada lagaa joojiyo maxaad sameeynee?. Waxa uu yiri: Waxaan sameynaa in aanan mar dambe ka aamusin marka la bilaabayo,waaba la bilaabaye). ( fiiri Sawirka 6 & 7aad).

FG: Jimcahaan waxaan u mahad celinayaa Ugaas Ciise Maxamuud, oo u sharaxan Ugaaska dhalin yarada Bariga iyo Bartama Afrika, oo diyaarsaday Bunkii lagu shubi lahaa Caleema saarkiisa, gacan weynna iga siiyay qormadan 89aad. Waa wiil IQ-giisu aad u sareeyo,aragtideeyda ( fiiri Sawirka 8aad).

Qore: Yahya Amir.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip