Tartanka Kubadda Koleyga ee Ardayda Dugsiyadda Sare oo Minneapolis ka Furmay (SAWIRRO)

0
Sunday December 20, 2015 - 20:06:16 in Sports News by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka Kubadda Koleyga ee Ardayda Dugsiyadda Sare oo Minneapolis ka Furmay (SAWIRRO)

    Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa shalay gellinkii dambe ka furmay tartanka ardayda dugsiyadda sare ee kubadda kolayga, kaasoo ay ku tartamayaan kooxo ka socda deegaannada ay Soomaalidu ka dego Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa shalay gellinkii dambe ka furmay tartanka ardayda dugsiyadda sare ee kubadda kolayga, kaasoo ay ku tartamayaan kooxo ka socda deegaannada ay Soomaalidu ka dego Mareykanka.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Tartankan oo sanad walba la qabto xilliag qaboobaha ee ay iskuuladu xiran yihiin, ayaa waxaa ka qayb-galaya 10-kooxood oo ka kala socda magaalooyiinka ay deggen yihiin ama ay ku badan yihiin Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.

Dhallinyaro iyo taageerayaal aad u farabadan oo ka soo qayb-galay tartanka ayaa si wacan oo wanaagsan u daawanayey ciyaarihii lagu daah furay tartanka oo ka dhacay Xarunta Bulshadda ee Brian Coyle ee xaafada ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Cedar.

Inta aysan cayaaruhu billaaban ayaa waxaa halkaas ka hadlay, Mahdi Cabdi "Maslax” oo ah agaasimaha iyo hogaamiyaha guddiga qabanqaabada tartanka. Mahdi ayaa isagu ka warbixiyay sababaha loo qabtay tartankan iyo dhammaan waxa laga filayo dhallinyarada nasiibka u yeelatay in ay kamid noqdaan cayaartoyda u ciyaaraysa tobanka Kooxood ee ku tartamaysa horyaalkan.

Sidoo kale, Tababare Axmed Daahir oo isagu ka mid ah gudiga qaban-qaabada tartanka, garsoorana ka ah ciyaaraha ayaa yiri. "Waxaan aad ugu faraxsanahay inuu maanta si rasmi ah noogu furmayo tartankii kubadda kolayga ee ardayda dugsiyadda sare oo u jeeddada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay dhiirri-gelinta iyo is-dhexgalka dhallinyarada.”

Tababare Ahmed Daahir ayaa isagu ka mid ahaa ciyaartooydii hore ee xulka qaranka Soomaaliya, wuxuuna hadda wakhti badan geliyaa tababarena yahay da’yarta Soomaaliyeed ee kubadda koloyga ku baranysa gobolka Minnesota.

Haddaba, Tartankan kubadda kolyga ayaa waxaa sannad walba qabta oo maal-geliya barnaamijka dhallinyarada ee xarunta bulshada ee Brian Coyle.

Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ah maamulaha barnaamijka loogu adeego dhallinyarada ee xarunta Brian Coyle, ahna shaqsi ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu firfircoon Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota, ayaa sheegay in barnaamijyada noocan oo kale ah ee loogu talagalay dhallinyarada ay qayb wan ka qaataan hormarinta, wacyi-gelinta, dhiirigelinta iyo dhismaha guud ee dhallinyarada. Cabdiraxmaan ayaa noo sheegay in loo baahan yahay in la badiyo, lana joogteeyo fursadaha wanaagsan ee noocan oo kale ah, si loo badbaadiyo dhallinyaradeena.

Tartankan oo billowday maanta oo ay bisha 19-ka December, 2015; ayaa socon doona ilaa 02-da bisha Jannaayo ee 2016-ka. Kooxaha ka qayb-galaya tartanka sannadkan ayaa kala yimid magaalooyinka, Minneapolis, Fridley, Columbia Heights, Burnsville, St. Paul, Hopkins, New Brighton iyo Roseville.

Ugu dambeyn, waxaa lagu casuumayaa bulshadda Soomaaliyeed iyo qoysaska Soomaaliyeed inay kasoo qaybgalaan tartankan si ay u taageeraan dhallinyarada ku tartamaysa koobka kubadda koleyga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip