Maqaal: 1919-kii Heshiiskii ay kala saxiixdeen Sheekhii Raas Alkhaymah iyo Soomaalida

0
Sunday March 25, 2018 - 09:41:29 in Wararka by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: 1919-kii Heshiiskii ay kala saxiixdeen Sheekhii Raas Alkhaymah iyo Soomaalida

    1919kii ayaa nin Soomaali ah lagu dilay Raas Alkhaymah. Diyadiisii ayaa Soomaalidu u doonatay Shiikhii Raas Alkhyamah laakiin wuxuu yiri nimanka wax idinka dilay waxay ka yimaadeen Ummul Quweyn ee Shiikhooda u doonta diyadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1919kii ayaa nin Soomaali ah lagu dilay Raas Alkhaymah. Diyadiisii ayaa Soomaalidu u doonatay Shiikhii Raas Alkhyamah laakiin wuxuu yiri nimanka wax idinka dilay waxay ka yimaadeen Ummul Quweyn ee Shiikhooda u doonta diyadii.

Markii Shiikhii Ummul Quweyn diiday inuu wax bixiyo, Soomaalidii waxay ku yiraahdeen kii Raas Alkhaymah dhulkaagaa dilku ka dhacay ee ama diyadii na sii ama dadkaaga safarka badda ku maraya ayaan annaguna ka gudaynaa. Labadii shiikh ayaa dhibaato dhex martay.

Waqti yar ka dib ayaa doon laga leeyahay Raas Alkhaymah u safartay Xaafuun. Qaraabadii ninka la dilay ayaa damcay in ay dilaan ninkii doonta lahaa laakiin Boqor Cismaan ayaa ku yiri nimankii waxba ha dilina anigaa warqad u qoraya ninka Ingiriiska uga wakiilka ah Raas Alkhaymah.

Sidii ayuu yeelay ugu dambayntiina Shiikhii Raas Alkhaymah wuxuu bixiyey diyadii wuxuuna ka saxiixay Soomaalidii in dadkiisa u socda Zanzibar loo ammaan gelinayo.

Waraaqaha hoose waxay yaallaan Maktabadda Ingiriiska (British Library)

Qoraha maqaalka: Cabdulqaadir Diiriye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip