Qeybta Hore Ee Horyaalka Soomaaliya Oo Lasoo Gaba Gabeeyay!!

0
Saturday March 24, 2018 - 20:17:11 in Wararka by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybta Hore Ee Horyaalka Soomaaliya Oo Lasoo Gaba Gabeeyay!!

    Jimcihii ayaa la ciyaaray mid kamid ah kulamadii ugu dambeeyay ee wareegga koobaad ee horyaalka Soomaaliya, ee sannadkan magaciisu ahaa (Somali Premier League).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimcihii ayaa la ciyaaray mid kamid ah kulamadii ugu dambeeyay ee wareegga koobaad ee horyaalka Soomaaliya, ee sannadkan magaciisu ahaa (Somali Premier League).

Kooxo kala duwan ayaa kasoo muuqday, kuwa ayaa dadaalkoodu gaarsiiyay in ay gaaraan heer ka duwan kii sannadkii hore, halka kuwa kalana ka gaabiyeen sidii ay ahaayeen kalkii hore.

Gelin kasta iyo wixiisa gaarka ah, sannadkan iyo waxyaabihii cajiibka ahaa; Dekedda oo ah kooxda heysata horyaalka ayaa markanna hoggaanka qaab gool sareyn ah ku heysa, waa u sharaf iyo Horseed oo daljire majaraha uu u hayo ay meel fiican tiigsato, Elman gaabis bay sameyneysaa, halka Banaaddir iyana rejo ay weli ka qabto markale in ay horyaalka dhagaha ku dhegto.
Adduun iyo ayaankiis, Feysal Anwar Shakundda ayaa min 9-gool shabaqa taabsiiyay, una tartamaya gool dhalinta horyaalka, kulamada soo aaddan iyo waxa laga filan karo, sidaa darteeda horyaalka Soomaaliya waxa uu galayaa mid kamid ah marxaladaha ugu mac marka loo eego xiiso ahaan, maaddama wareegga hore lasoo afmeeray shalay.
Qeybta Hore Ee Horyaalka Soomaaliya Oo Lasoo Gaba Gabeeyay!!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip