Kooxda Real Madrid oo markaan doonaysa Weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford

0
Saturday March 24, 2018 - 19:03:25 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Real Madrid oo markaan doonaysa Weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford

    Sida uu warinayo WargeyskaSport, Rashford ayaa ah ciyaaryahan kale oo diiradda u saaran tababare Zinedine Zidane, kooxda Real Madrid ayaana la sheegayaa inay tixgelinayso sidii ay xagaaga u soo qaadan lahayd xiddiga xulka qaranka England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu warinayo WargeyskaSport, Rashford ayaa ah ciyaaryahan kale oo diiradda u saaran tababare Zinedine Zidane, kooxda Real Madrid ayaana la sheegayaa inay tixgelinayso sidii ay xagaaga u soo qaadan lahayd xiddiga xulka qaranka England.

Rashford ayaa ah mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan shaxda tababare Jose Mourinho, laakiin 20-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogta ah ka helo safka hore ee Man United tan iyo bilowgii sanadkan 2018, gaar ahaan horyaalka Premier League.

Wadar ahaan xilli ciyaareedkan, Rashford ayaa dhaliyey 12 gool 22 kulan oo uu ku soo bilowday safka hore iyo 19 kulan oo uu ka soo kacay kursiga keydka tartammada oo dhan, inkastoo saddex ka mid ah goolashaas ay yimaadeen tan iyo 10 bishii December.

Rashford ayaa haatan heshiiskiisa kooxda waxaa kaga harsan in ka badan labo sanadood, laakiin Man United ayaa dooq u haysata inay heshiiskiisa ku darto sanad kale oo dheeri ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip