YAA DHALAY Aala sheikh iyo Damul Jadiid?

0
Sunday December 20, 2015 - 18:59:20 in Maqaallo by
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YAA DHALAY Aala sheikh iyo Damul Jadiid?

    Dad badan oo somaali ah ayaa marka ay maqlaan kalmadda AALA SHEIKH iyo DAMUL JADIID waxaa ku soo dhaca ururo leh magic diimeed oo ku Milan siyaasada soomaalida. Waxaa laga yaabaa in marka aad maqasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo somaali ah ayaa marka ay maqlaan kalmadda AALA SHEIKH iyo DAMUL JADIID waxaa ku soo dhaca ururo leh magic diimeed oo ku Milan siyaasada soomaalida. Waxaa laga yaabaa in marka aad maqasho. 1- Aala sheikh: aad xasuusto urur mushakal ah oo ka soo farcamay Maxkamadihii islaamiga iyo shakhsiyaad itixaad , ictisaam iyo kuwa islaax ka soo falaagoobay, kuwaa oo markii dambe xukunka soomaalida ka soo dhax muuqday, markii lagala wareegay awoodiina dib u habeeyn ayeey bilaabeen, laakin labo ayeey u kala jabay markii ay ka farcantay qayb cusub oo diidan hogaankii hore ee Aala sheikh, kuwaa oo aan magac gaar ah la bixin dalkana looga yaqaan daacishta Aala sheikh.

prof. yaxye

2- Marka aad maqasho damul jadiid waxaad xasuusanee koox ka qo’day Islaax,kadib markii laga diiday in hogaanka Islaax wax laga bedelo si ay madaxda ururka uga dhax muuqdaan,dhiig cusubna hogaanka loogu daro, kadibna isaga baxay ,kooxdii ay ka go’een ayaa u bixisay magaca damu jadiid oo ah kuwii ku doodayay dhiig cusub halagu daro ururka.kooxdan go’day malaheeyn qorshe siyaasadeed ,amma nidaam urur,waxaana laga xigsaday ururadii carabta ee dhaqaalaha laga heli jiray.

Waxa ay si nasiib ah kula bahoobeed xisbiga PDP. Oo hogaankiisu markaa!!! uuna ka tirsaneeyn urur diimeed yada laakin ay u isticmaali karaan in ay uga hor tagaan Islaaxii hore ay uga soo go’een oo markaa u sharaxnaa hogaanka dalka.Damul jadiidkiina laba ayeey u kala jabeen qayb weeysay xil kadibna mucaarad ku noqday saaxibadood iyo koox ka mid ahaa Damuljadiid laakin fekerkaa isaga baxay markii ay xil heleen.

Labada macagba kama duwana ,macag leh taageerayaal,sida dhaliyara ku leh waxaan la jirnaa Arsenel,ama fanaaniin,ama koox halgan.sidaas oo kale labada magacba Asal ahaan waxaa laga soo qaatay wahaabiyada : Firii asalka magaca Aala sheikh iyo damuljadiid halka uu ka yimid:

Markii uu geeriyooday Mohamed bin Cabdul wahaab 1792,oo ahaa aabihii wahabiyada ayaa dadkii ku noolaa NAJAD waxa ay ku sharfeen magaca Aala sheikh qooyskii uu ka tagay ,gaar ahaan Lixdiisii wiil ee kala ahaa:


1- Cali.
2-Xussein.
3-Cabdullahi.
4-Xassan.
5-Ibrahim.
6-cabdul casiis.
Illaa maanta magacaa waxaa loo yaqaan qooyskaa oo saameeyn ku leh siyaasada Sucuudiga, mar kastana diinta u tarjuma si waafaqsan siyaasada boqortooyada. Xiriirkaa oo ay bilaabeen Mohamed bin Abdulwahab iyo Mohamed bin sucuud(d.1765), oo markaa ahaa madixii qooyska reer sucuud ee degenaa deegaanka DIR’IYA , iskuna bedelay dhaqdhaqaaq ciidan oo xukun doon ahaa. Magacaa ayaa taageerayaal soomali ahi u soo min guuriyeen Somalia.

Mudda kadib jiilkii labaad ama caruurtii uu Abkoow/Awoowe u ahaa Mohamed cabdulwahaab ayaa ku dooday in laga leexday dariiqii Abkoowgood ,……..loona baahan yahya in fekerka dhiig cusub lagu daro, waxa ayna la baxeen magaca Damul jadiid.

Faracii ayaa dhaxdooda mar kale is khilaafay sida ku cad buugaag badan oo ay qoreen culumadii caanka ku aheed Najad, sida Ibu Bishar oo muhimad gaar ah siiyay qaar ka mid ah wiilashii Mohamed cabdulwahab sida Cali, Xussen, cabdullahi iyo Ibrahim laakin liiska Aala sheikh nimada ka saaray Xassan iyo Cabdicasis. ( adiga Mohamed bin Abulwahab Aabahaa iyo Awoowgaa toona ma aheeyn ee maxaad ku xulatay magacyadaa Aala sheikh iyo Damul jadiid?( iga raali ahaaw kuuma diidani haddii ay ku cajabisay fasiraadii ina Cabdulwahaab iyo caruurtiisa laakin dalka ma lagu dabaqi karaa? Annagu sucuudi iyo boqortooyo ma noqon karnaa? si fiican ma u aqrisay sida siyaasadaha qaar loogu lifaaqay diinta?).

Waxaa Qoray: Prof. Yaxye Sh. Caamir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip