Nasashada Jimcaha .Q-88.

0
Thursday March 22, 2018 - 23:20:22 in Wararka by
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha .Q-88.

    1-Nin ayaa soo hoos istaagay Daar dheer,waxa uuna dariishada dabaqa 5aad ka arkay nin oday ah oo ku nasanaya, gacanta ayuu u taagay, ninkii odayga ahaa ayaa hoos u soo dagay in kasta oo uuna gurigu wish (lift) leheyn, markii uu dhulka yimid ayaa nink

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa soo hoos istaagay Daar dheer,waxa uuna dariishada dabaqa 5aad ka arkay nin oday ah oo ku nasanaya, gacanta ayuu u taagay, ninkii odayga ahaa ayaa hoos u soo dagay in kasta oo uuna gurigu wish (lift) leheyn, markii uu dhulka yimid ayaa ninkii dhulka joogay ku yiri: Magan Alla, Sadaqo i sii. Odaygii oo markaas ayna gacantiisa wax ku jirin ayaa yiri: i sug, kor ayuuna u noqday. Markii uu tagay qolkiisii dabaqa 5aad ayuu gacanta u haatiyay. Miskiinkiina waa soo koray markii uu garaacay Albaabak 5A ayaa odaygii ka furay Albaabka, Kadibna si naxariis leh ayuu u yiri: Alla ha sahlo. ( Meeqa wafdi oo Somali ah ayaa carabu u wacday, kadibna la soo yiri: Alla ha sahlo).

2-Ugas Ciise ayaa Gabari ku balamisay Gurigeeda, waxa ay siisay tilmaan iyada oo leh: xaafadaa marka aad timaad, waddada u soo raac dhinaca bidix, Albaabka cagaaran markii aad timaad ,Xusulkaaga ku soo Garaac Albaabka, Annigaa kaa furayee.

Ugaas Ciise ayaa ku yiri: Gacma ayaanba leeyahay ee maxaan xusulka ugu soo garaacaa?.waxa ay ku tiri: Adiga oo Gacma maran miyaad ii imaan laheyd.( fiiri Sawirka 1aad).

( Xildhibaan ayaa xaaskiisii ku yiri: Caawa kuwii Moshinka ayaa ii yeeray, waxa ay ku tiri: Labadeyda Boorso Hore u sii qaado, surwaalkaaga Jiiniska ah jeebab weyn malahne)

3-Mid reer Gaalkacya ah oo aan weligii dalka ka bixin ayaa dhalin yaro ugu faanay, sheeko uu dad kale ka maqlay. Waxa uu yiri: Dalka shiinha waxaa ku taal Maqaayad dadka Murugadu heyso ay ku ooyaan. Waxaa la weydiiyay adigu ma tagay?. waxa uu yiri: Haa, waan tagay , weliba waan ku soo ooyay. Waxaa la weydiiyay Af-Shiinaha ma taqaan?.waxa uu yiri: Af-Shiinaha kuma hadlo laakin waan ku ooyi karaa. Cid aamusiisa ayaa la waayay, Jii,Jii, Juu, miiiiiii.( fiiri sawirka 2aad).

( Siyaasiyiinteenu ma yaqaaniin sida dadka wax loogu qabto, loogana farxiyo , ee waxa ay yaqaaniin sida dadka wax looga qabsado, loogana ooyinsiiyo. Ma runaa?).

4- Laba nin oo cudurka dhimirka qaba ayaa isku qabsaday aniigaa kaa caafimaad roon iyo anigaa kaa caafimaad wanaagsan. Markaa ayey dheheen aan is xujeeyno, mid ayaa kii kale oo sii jeeda intuu gacanta DHAGAX ku soo qabsaday isaga oo qarinaya ,ku yiri kii kale: Haddad caafimaad qabto, sheeg waxa gacanteeyda ku jira?.

Kii kale ayaa ku jawaabay: waa KOOB SHAAH ah. Kii wax qarinayay ayaa yiri: Markaan qaadayay ayaad arkeeysay.( fiiri Sawirka 3aad).

( Labadii nin hadda waa xildhibaano adiga ku matala, waxa ayna la kala safan yihiin labad garab ee Moshinka wada).

5-Oday dhaqameed somaliya oo siyaasi noqday ayaa lagu daray wafdi u baxay New York, markii la hor fadhiisaty Golaha Ammaanka ee UN-ka, lana gaaray doorkii somalidu hadalka leheed, ayaa la yiri : hadalka bilaaw adigaa noo da’ weyne, waana lagaa tarjumayaa. Sidii dhaqanka somalidu ahaa ayuu hadalkii ku bilaabay: Akhyaarey raali ahaada, Akhyaar badan ayaa iga hor hadashay, mana ihi nin aqoon leh, waxaana jooga dad iga aqoon badan,wixii aan sheegi lahaana horaa loo sheegay,haddana wax gooniya idinku soo kordhin maayo.Markii uu halkaa marayo yaa laga qaaday Makroofankii ,lana yiri: Dalka xiga.

Odaygii oo careeysan ayaa yiri: Arrintaasi waa xil haddaan somaali nahayna shirka waan ka baxeynaa. Arrintani sidey ku dhacday?. Waxaa lagu yiri: Adigaa noo sheegay, in aadan aqoon laheeyn, wixii aad sheegi leheedna hore loo sheegay, markaa waqtiga ha naga dhumin.

( Horta akhristoow , wadankaan qof waliba ma loo dirsaday shaqadii uu yaqiin?).

6-wiil yar oo 17 jir ah oo markaa uu soo galay dareenka raga nimadu ayaa hooyadii dukaanka sokor uga dirsatay. Markii uu dukaanka tagay ayuu arkay gabar iyaduna dukaanka wax ka gadaneeysay oo Naaskeedu dhinac ka muuqdu. Deymadii ayaa ku dheeraatay, kamana jeesan. Haweeneeydii dukaanka laheed ayaa aragtay in wiilku uu ku maqanyahay gabadha yar Naaskeeda. Waxa ay ku tiri: waryaa Cabdi, hooyadaa maxey kuu soo dirtay? . isaga oo weli halkii sii fiiranayo ayuu si ogaal la’aan ah u yiri: Naas.

( Xildhibaan dhalin yaro ah ayaa shir bulsho laga wacay, waxaana lagu yiri: markaad khudbada akhrinee, dadka u sheeg, Dalka, Dadka & Diinta, in aad u dhaaranay. Markii uu khudbadii bilaabay ayuu u jeeday mid ganacsataa oo safka hore fadhiya oo ay dhinac taal boorso u muuqatay in Lacagi ka buuxdo isha ayuu la raacay, isaga oo ogaalkiisu ku maqan yahay boorsadii ayuu hilmaamay fariintii la soo faray, markaa ayuu yiri: waxaan u dhaaranay Doolar, Doolar, Dooooolar). ( fiiri sawirka 4aad).

FG: War deg deg ah.

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Degmada Hodon ee magaalada Mogadishu,waana la soo xaqiijiyay in arrintu GUUL u ah Somalida . Waxaa la cadeyay in maalinta khamiista ku xigtaahi ay tahay maalin JIMCO ah.

( Waana la isku raacay markii ugu horeysay……….).

Adiguna ku naso Nasahsada Jimcaha.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip