Shirkadda Facebook oo raali galin ka bixisay khalad ka dhacay

0
Thursday March 22, 2018 - 22:42:46 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Facebook oo raali galin ka bixisay khalad ka dhacay

    Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay "khalad samaysay" taasina ay horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook. Shirkadda Cambri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mark Zuckerberg oo aasaasay Facebook ayaa qirtay in barta ay bulshadu ku xiriirto ay "khalad samaysay" taasina ay horseeday in shirkad samaysa latalin dhanka siyaasadda ah ay hesho xogta shaqsiga ee macaamiisha Facebook. Shirkadda Cambridge Analytica ayaa lagu eedeeyay in ay si aan munaasab ahayn u adeegsatay xogta macaamiishaas iyaga oo matalaya siyaasiyiin macaamiil u ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Zuckerberg ku sheegay "in meel ka dhac lagu sameeyay aaminaaddii”.

Waraysi dambe oo uu siiyay shirkadda CNN ayuu ku sheegay "in uu ka xun yahay” wuxuuna ballanqaaday in uu tallaabo ka qaadi dooni "App-abka aan daacadda ahayn”.

Wuxuu intaas ku daray in uu "ku faraxsan yahay” in uu Congress-ka ka horsheego waxa uu og yahay "haddii arrintaasi ay tahay mid sax ah”.

Warka qoraalka ah ee uu soo dhigay Facebook wuxuu ku ballan qaaday in uu sii adkayn doono siyaabaha ay App-abku ay ku arruursan karaan xogta macaamiisha Facebook.

Masuuliyad ayaa naga saran in aan xogta macaamiisha ilaalino, haddii aanaan sidaa samayn karinna uma qalanno in aan adeeg idin siino,” ayuu yiri Zuckerberg.



Xigashada BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip