Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyadii lala Galay Turkiga Intii u Dhexeysay 2013-2018+Sawirro

0
Thursday March 22, 2018 - 22:15:40 in Wararka by
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyadii lala Galay Turkiga Intii u Dhexeysay 2013-2018+Sawirro

    Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra'iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra'iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku tagay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wada hadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa,wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.

1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA

2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo wali Bishii Sedaxaad ay socoto.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo dastuurka u yaalla Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip