Hogaamiyaal ka soo goystay Al-shabaab oo ka hadlay sababta ay ugu tageyn Al-shabaab.

0
Thursday March 22, 2018 - 08:03:54 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaal ka soo goystay Al-shabaab oo ka hadlay sababta ay ugu tageyn Al-shabaab.

    Wararka ka imaanaya Gobolada Baay iyo Gedo ayaa sheegaya in Hogaamiyaal ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobolada Baay iyo Gedo ay isku soo dhiibeen Dowlada waxa ayna sheegeen in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolada Baay iyo Gedo ayaa sheegaya in Hogaamiyaal ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ee gobolada Baay iyo Gedo ay isku soo dhiibeen Dowlada waxa ayna sheegeen in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-Shabaab oo ay hore uga tirsanayeen.

Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee Dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa uu ahaa taliyaha Dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi siada isaguba uu acdeeyay, waxaana uu ku dhawaaqay inuu iskaga baxay Al-shabaab kuna biiray dowladda Soomaaliya.

Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa waxaa uu sheegay in ay yihiin isaga iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Fiilow oo ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee Gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeen na waxaa uu ku sheegay in Al-shabab ay badaleen Fikirkii lagu balansanaa ee ay ku dagalamayeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Shabaabka in ay hareer mareen fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.

xigashoradiokulmiye.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip